BuhodlePost.com logo

Maxay Kala Yihiin Chlore Iyo Shuban Biyood, Maxay Ku Kala Duwan Yihiin Hababka Daaweeyntooda Iyo Ka Hortag, Daraasad Caawinaysa Dhakhtarka, Adeegaha Iyo Bukaha ,

Cholera Waa cudur ay sababto bakteeriyada vibrio cholerae taaso xiidmaha kusii dhex daysa sun loo yaqaan Endotoxin taaso sababta shuban xad-dhaaf ah .

Bakteeriyadani waxa ay jidhka ku samaysaa faaruqin ( evacuation ) ay faaruqinayso dareerihii jidhka ku jiray waxa kale oo ay ku sababtaa bukaanka matag , murqo xanuun , kaadida oo ku yaraata , jidhkiisa oo qallala , indhihiisa oo god gala , neefta oo ku yaraata iyo arrimo kale sidaa daraadeed hadii bukaanku waayo gargaar dagdag ah waxaa dhici karta in uu geeryoodo .
xanuunkani waa xanuun u baahan gurmad dagdag ah waana xanuun ay masuuliyadiisu saaran tahay bahda caafimaadka iyo masuuliyiinta wadanka sidaa daraadeed waxaan jecelahay in aan ka codsado bahda caafimaadka ee wadanka joogta in ay qodobadan wax ka qabtaan

1. Verification of diagnosis : Marka hore waa in dhakhaatiirtu hubiyaan in xanuunka ay bukaanka ka dawaynayaan yahay shuban biyood ama daacuun ka hor inta aanay dawaynin

2. Notification : cudurkani ma aha cudur ay la tacaali karaan dhakhaatiirta oo kaliyi sidaa daraadeed waa in si dagdag ah loo ogaysiiyaa haayadaha dawlada , masuuliyiinta wadanka gaar ahaan wasaarada caafimaadka iyo WHO

3. Waa in bukaanka xanuunkan ka cabanaya si dagdag ah loo daweeyaa maadama uu fuuq baxayo waxa uu halis ugu jiraa in uu geeryoodo 40% maadama lagu qiyaasu in uu suuliga galayo 40 jeer

4. Waa in laga taxadiraa in bukaanka xanuunkan qabaa ay ku saxaroodaan ceelasha biyaha , barkadaha ama agagaarkooda sidoo kale waa in bukaanka ehelkooda looga digaa in ay iska ilaaliyaan saxarada iyo mataga bukaanka

5. Waa in bahda caafimaadku wacyi galin sameeyaan oo bulshada lagu baraarujiyaa faa”idada biyaha nadiifta ah , biyaha la karkariyay , maydhida gacmaha iyo waxyaabaha muhiimka ah ee la xidhiidha cudurkan

6. Waa in dagdag loo geeya wadanka oo dhan talaalka cudurkan
cudurkani waxa uu leeyahay laba nooc oo talal ah :
( A ) mid afka laga qaadanayo : ka afka laga qaadanaya hadii uu yahay live attenuated lama siin karo caruurta iyo dadka waawayn waayo waa jeermiskii oo la daciifiyay ee aan la dilin
( B ) mid la isku mudayo : nooca talaalka ee la isku mudaa waa laba jeer , marka koobaad marka bukaanka lagu mudo waxaa lagu mudayaa ka labaad muddo 4 ilaa 6 usbuuc ah , way dhici kartaa in hal mar lawada qaato iyadoo talaalka la laba jibaarayo

7. Waa in bulshada la baraa faa”iidada ORs-ta , ORs-tu waa biyo lagu daray sonkor iyo milix oo la cabaayo , ORs-ta waxaa lagu darayaa hal liter oo biyo ah oo aan la karkarin .

Hadii la waayo ORs waxaa laysku darayaa hal liter oo biyo ah iyo 20gm oo sonkor ah iyo 5gm oo milix ama cusbo ah kadibna sidaasa lagu cabayaa .

Caruurta kayar labada sanno waxaa la siinayaa daqiiqadiiba hal malqaacad ah , hadii ilmaha yari matago waa in dib loo siiyaa 10 daqiiqo kadib iyadoo loo siinaayo si tartiib ah oo dagan , kuwii intaas ka waynina waa in ay cabaan intay doonaan

8. Hadii bukaanku uu isku badali waayo ORs-ta waa in la siiyaa faleembo sida ay sheegayso WHO waana in bukaanku qaato Ringer”s Lactate iyo DTS ( diarrhoeal treatment solution ) , hadiise labadaasba la waayo waxa la siinayaa normal saline inkasta oo aanay waxtar badan u lahayn bukaanka . Caruurta hal sanno kayar waxaa la siinayaa saacada u horaysa 30ml/kg shanta saacadood ee ku xigtana 70ml/kg . waa in bukaanka laga war hayaa in uu isbadal samaynaayo iyo in kale si hadii uu isbadal yeelan waayo lo siiyo I.V. drips ka , laakiin hadii indhuhu bararaan ( puffiness ) waa in la joojiyaa faleembada

9. Daawooyinka loogu talo galay bukaanka : Marka uu matagu joogsado waxaa dadka waawayn lasiinayaa 500mg oo Doxcycline ah hal mar , dumarka uurka leh waxaa u wanaagsan Furazolidone caruurtana waxaa u wanaagsan Trimethoprium-Sulfomethoxazole sidoo kale Tetracylcline iyo Furazolidone waa la siin karaa . Hadii goobta ay dhakhaatiirtu joogaan laga waayo daawooyinkaan kor kusoo xusay waa in dhakhtarku isticmaala Erythromycine iyo Chloramphenicole.

Fadlan ka digtoonow , bukaanka cholera-da ka cabanaaya lama siiyo daawooyinka shubanka joojiya , kuwa mataga joojiya iyo kuwa calool xanuunka loo isticmaalo

10. Waa in dadka la gaadhsiiyo biyo nadiif ah iyo chlorine , hadii anay dawladu awoodin in ay bulshada dhamaanteed gaadhsiiso biyo nadiif ah iyo chlorine waa in ay warbaahinta uga sheegaan in bulshadu iska karkariso biyaha kahor inta aanay cabin

11. Waa in dawladu iska xilsaarto nadaafada makhaayadaha cuntooyinka iibiya sidaa si lamid ah waa in bulshadu ku dadaasho nadaafada cuntada ay cunayaan , waa in bulshadu ku baraarugsanaata nadaafada gacmahooda iyo ciddiyahooda , nadaafada suuliga iyo dhibaatada dukhsiga

12. Waa in bukaanka dharkiisa , gurigiisa , alaabtiisa iyo qalabkiisaba lagu daahiriyaa maadooyin kiimiko ah

13. Waa in la siiya dadka u dhawdhaw goobaha xanuunkani ka dilaacay daawooyin Chemoprophylaxis antibiotics ah oo kahortagaya cudurkan
.
Dhakhaatiirtu dadka way daweeyaan laakiin ilaahay oo kaliya ayaa dadka bogsiiya

Diyaariye: Khaled Mohammed

(Visited 104 times, 1 visits today)

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Maanta

Taariikhda Korneyl Muuse Biixi Cabdi
- Nov 21, 2017
https://www.youtube.com/watch?v=F3k42YIfJI4
SAVING THE UNITY OF SOMALIA: AN OPEN LETTER TO PRESIDENT FARMAJO October 9, 2017 By Osman Hassan
- Oct 19, 2017
SAVING THE UNITY OF SOMALIA: AN OPEN LETTER TO PRESIDENT FARMAJO October 9, 2017 By Osman ...
Somali people By handing ONLF officer Abdikarim Sheikh Muse to Ethiopia, the Somali government has betrayed its ownpeople.
- Sep 26, 2017
Somali people By handing ONLF officer Abdikarim Sheikh Muse to Ethiopia, the Somali government has ...
SŪRAH AL-KAHF: ARABIC TEXT – TRANSLATION AND MODERN COMMENTARY
- Sep 24, 2017
SŪRAH AL-KAHF: ARABIC TEXT - TRANSLATION AND MODERN COMMENTARY Imran N. Hosein   SurahKhafX
YUSUF GARAAD’S BIZARRE LETTER TO THE USA AMBASSADO
- Sep 9, 2017
YUSUF GARAAD’S BIZARRE LETTER TO THE USA AMBASSADOR September 4, 2017 By Osman Hassan “That was the ...
Masuul ka tirsan Golaha Dhalinta Maqaabul oo hanbalyo dhalasho farxad leh u diray lamaane gabadh ugu dhalatay dalka Uganda
- Aug 6, 2017
Kampala, Uganda —Masuul ka tirsan Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa Sabtidii hanbalyo dhalasho u diray ...
Caga-lule  wuxuu ku kacay waxa ka dambaysay oo si qayaxan u abaabulaysay maamul-goboleedka Puntland”Prof Cali khaliif.
- Aug 5, 2017
Caga-lule  wuxuu ku kacay waxa ka dambaysay oo si qayaxan u abaabulaysay maamul-goboleedka Puntland” By: ...
Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan Jubaland ka tirsan
- Aug 4, 2017
Kismaayo, Soomaaliya ---Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa Jimcaddii soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan ...
Xildhibaan Jubaland ka tirsan oo wadani u aqoonsaday qoraa ka faallooda arima gobalka
- Aug 4, 2017
Kismaayo, Soomaaliya(Buuhoodle Post)—  Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubaland ayaa galabnimadii Khamiista ku tilmaamay nin ...
Uganda: Xafiiska Maqaabul Ogaadeen ee Qaranka Soomaaliyeed oo aqoon is weydaarsi la xidhiidha dhaqanka la yeeshay bulshada Kampala
- Aug 3, 2017
Xafiiska Maqaabul Ogaadeen ee qaranka Soomaaliyeed ku leeyahay Kampala, dalka Uganda ayaa xidhiidh ku ...
Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE