BuhodlePost.com logo

WAA MAXAY DANAHA AY KA LEEYIHIN DAWLADAHA CARABTA GAAR AHAAN IMAARAADKA DEKADA IYO SALDHIGA MILITARI EE BER-BERA IYO DEKEDA BOOSAASO ? ( FADLAN WALAL AKHRI WARBIXIN MUHIIM AH OO ARIMAHAAS IFTIIMINAYSA.)

No automatic alt text available.

WAA MAXAY DANAHA AY KA LEEYIHIN DAWLADAHA CARABTA GAAR AHAAN IMAARAADKA DEKADA IYO SALDHIGA MILITARI EE BER-BERA IYO DEKEDA BOOSAASO ? ( FADLAN WALAL AKHRI WARBIXIN MUHIIM AH OO ARIMAHAAS IFTIIMINAYSA.)
============================================================
Dagaal qaboow ama wax u eg Dagaal la cadaystay islamarkaana Ku saleysan Dhaqaale iyo waxa loo yaqaan “Geopolitics ama boob siyaasadeed ayaa ka qarxay marinada dhinaca badda ee Bab El Mandeb, Arebian Peninsula, Gulf Of Aden Persian Gulf.

Dowladaha Golaha Iskaashiga Gacanka Ee Dalalka Carabta ee marka la soo gaabiyo la yiraahdo GCC mar waliba oo dhibaatooyin quseeya ganacsiga saliida shidaalka iyo boobka siyaasadeed waxa ay isticmaalaan islamarkaana wax badana aan kaga bixin dalka Soomaaliya oo aan lahayn dawlad xoog leh oo la xisaabtanta.

Hadaba marinka Beb-Al-Mandeb waa meel xuduud Gacan ah ee biyaha bada ka soo koobmaan balaceeduna la egyahay 29-km wuxuu kala qeybiyaa Arebian Peninsula iyo Gulf Of Aden iyo geeska Africa oo Soomaaliya ah. Waana goobta “Red Sea” Badda Cas kaga darsanto “Indian Ocean” Baddweynta Hindiya gacankaasi Beb El Mandab wuxuu Dhex maraa islamarkaana labada dhan ka kala xigaa dalalka Eritrea Djabouti oo dhan ah Iyo Dhanka kale oo ah Yemen. Waana marin aad muhiim ugu ah ganacsiga shidaalka bariga dhexe qiyaastii waxaa Mara gacankaasi Beb El Mandab Saliida dalka Sacuudiga dhinaca koonfurta galbeed, Sudan pipeline, gacanka suez iyo tan maditrrenean boqolkiiba afar Saliida caalamka.

Yemen ma’aha dalalka waaweyn ee shidaalka soo saara, balse waxaa Mara gacan xuduuda Beb El-Mandeb oo ah xarun kala qeybiya Geeska Afrika Soomaaliya iyo Bariga Dhexe. waana waddo istiraatiiji ama muhiim u ah dhuumaha saliida ee gacanka carabta ka yimaada sida gaaska dabiiciga ah, iyo shixnadaha batroolka ee u kala goosha Suez Israel Yurub iyo Waqooyiga Ameerika,loo dhoofiyo iyo sidoo kale saliida Yurub iyo Waqooyiga Afrika ilaa Aasiya. maraakiibta Ganacsiga ee wax soo saarka saliida iyo shidaalka cayriin ee soo dhexmaraya Bab el-Mandeb ayaa sannadihii la soo dhaafay, sii kordhaya 2.7 milyan oo fuusto Ayaa Mara maalintii (bbl / d) Sannadkii 2010-kii in ku dhawaad 4.7 million bbl / d Sannadkii 2014-kii ganacsiga shidaalka waxaa Ku kordhay in ka badan 20%, iyadoo kor u dhaafay in ka badan 200,000000 oo bbl / d ee saliidda cayriin laga dhoofiyo Ciraaq islamarkaana loo Dhoofiyo yurub.

Hadaba dagaalka Yaman ee ay isku hayaan dalka Iran iyo dalalka Dowladaha Golaha Iskaashiga Gacanka Ee Dalalka Carabta wuxuu keenay in uu qatar galiyo marinka Bab el mandeb oo ah Marin aad muhiim ugu ah shixnadaha saliida gacanka carabta u dhoofiso aduunka dacaladiisa taasi waxeey keeneysaa Bab el-Mandeb booyadaha shiidaalka ee Gacanka Faaris Bersian Gulf ka soo gaara Canal Suez Pipeline ayaa waxaa laga Cabsi qabaa isna sidoo kale in uu xirmo sababo la xiriira xasilooni Darida ka dhex jirta Iran iyo dawladaha gacanka carabta waxaana hadii maraakiibta shidaalka ay ka leexdaan agagaarka caarada koonfurta Afrika taasi waxeey keeneysaa waqtiga oo aad u Dheeraada iyo kharashka oo aad u bato Intaa waxaa sii dheer, socodaalkaasi saliidda koonfurta Afrika, Yurub iyo waqooyiga afrika wadadaasi ma gaari karaan suuqyada Aasiya iyo gacanka Suez hadii Bab el-Mandeb xaaladda ammaan ee dalka Yemen ay kasii darto, waxaana jirta in dalka Mareykanka uu adkeeyay amniga badaha ee deegaanka, waxaana uu sheegay inuu doonaayo inuu la-hawlgalo Golaha Iskaashiga Gacanka in ay ka shaqeeyaan si loo xaqiijiyo socodka joogtada ah ee ganacsiga shidaalka inkastoo uu Haatan cidhiidhi ku jiro.

Gacanka Caden ama kan Berbera waa biyo mareen muhiim ah oo maraakiibta shidaalka ay isticmaalaan, gaar ahaan saliidda Persian Gulf ka yimaada, waa biyo mareen muhiim ah ilaha dhaqaalaha adduunka samayn weeyna ku leh. Qiyaastii 11 boqolkiiba petroleum seaborne shidaalka dunida ee dhex mara gacanka cadmeed islamarkaana ku si jeeda Canal Suez Waa goobta ay maraan Gacanka Caden waxaana jirta Warshadaha sifeeya saliidda gobolka gacanka carabta Dekedaha ugu muhiimsan ee laga dhoofin karo shidaalka waa dalalka Yemen, Jabuuti, Soomaaliya sida Saylac Berbera Boosaaso.

Soomaaliya waxa aay ku taal goob muhiim ah islamarkaana ah albaabka isku xidha Africa iyo dunida in teeda kale.

Waxaa jirta Dowladaha Golaha Iskaashiga Gacanka ee Dalalka Carabta “GCC” maanta waa naf la caari oo waxeey arkeen dariiqa kaliya u furan in uu yahay Gacanka Caden ama kan Berbara oo xuduud u ah labada marin ee kala ah Beb Al Mandeb iyo Persian Gulf.

Hadaba Waxaan, aaminsanahay haddii Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Yusuf Garaad Cumar ay ogalaadaan damaca waalan ee Dowladaha Golaha Iskaashiga Gacanka ee Dalalka Carabta oo ah Dakeda Berbera iyo Tan Bossaaso iyo saldhiga Militari ee Berbera waxaa imaan doonta in siyaasada arrimaha dibedda Soomaaliya dalal kale jeebka loo galiyay islamarkaana gunooyin yar yarna laga qaatay waxaana dhici doonta in nala maamusho oo ciddii aan la hadleyno ama xirriir la yeelaneyno fasax weydiisanaa dawladaha carabta gaar ahaan Imaaraadka Carabta.

Ugu dambayntii waxaa muuqata in Fursad ay maanta soo martay soomaaliya loona baahan yahay in laga faa’iideysto kaas oo ah in wadamada carabta lagama maarmaan ay u tahay in soomaaliya ay la galaan heshiis ku saabsan badbaadinta Ganacsiga saliida.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Guure Uunlaaye.

(Visited 32 times, 1 visits today)

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Maanta

Taariikhda Korneyl Muuse Biixi Cabdi
- Nov 21, 2017
https://www.youtube.com/watch?v=F3k42YIfJI4
SAVING THE UNITY OF SOMALIA: AN OPEN LETTER TO PRESIDENT FARMAJO October 9, 2017 By Osman Hassan
- Oct 19, 2017
SAVING THE UNITY OF SOMALIA: AN OPEN LETTER TO PRESIDENT FARMAJO October 9, 2017 By Osman ...
Somali people By handing ONLF officer Abdikarim Sheikh Muse to Ethiopia, the Somali government has betrayed its ownpeople.
- Sep 26, 2017
Somali people By handing ONLF officer Abdikarim Sheikh Muse to Ethiopia, the Somali government has ...
SŪRAH AL-KAHF: ARABIC TEXT – TRANSLATION AND MODERN COMMENTARY
- Sep 24, 2017
SŪRAH AL-KAHF: ARABIC TEXT - TRANSLATION AND MODERN COMMENTARY Imran N. Hosein   SurahKhafX
YUSUF GARAAD’S BIZARRE LETTER TO THE USA AMBASSADO
- Sep 9, 2017
YUSUF GARAAD’S BIZARRE LETTER TO THE USA AMBASSADOR September 4, 2017 By Osman Hassan “That was the ...
Masuul ka tirsan Golaha Dhalinta Maqaabul oo hanbalyo dhalasho farxad leh u diray lamaane gabadh ugu dhalatay dalka Uganda
- Aug 6, 2017
Kampala, Uganda —Masuul ka tirsan Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa Sabtidii hanbalyo dhalasho u diray ...
Caga-lule  wuxuu ku kacay waxa ka dambaysay oo si qayaxan u abaabulaysay maamul-goboleedka Puntland”Prof Cali khaliif.
- Aug 5, 2017
Caga-lule  wuxuu ku kacay waxa ka dambaysay oo si qayaxan u abaabulaysay maamul-goboleedka Puntland” By: ...
Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan Jubaland ka tirsan
- Aug 4, 2017
Kismaayo, Soomaaliya ---Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa Jimcaddii soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan ...
Xildhibaan Jubaland ka tirsan oo wadani u aqoonsaday qoraa ka faallooda arima gobalka
- Aug 4, 2017
Kismaayo, Soomaaliya(Buuhoodle Post)—  Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubaland ayaa galabnimadii Khamiista ku tilmaamay nin ...
Uganda: Xafiiska Maqaabul Ogaadeen ee Qaranka Soomaaliyeed oo aqoon is weydaarsi la xidhiidha dhaqanka la yeeshay bulshada Kampala
- Aug 3, 2017
Xafiiska Maqaabul Ogaadeen ee qaranka Soomaaliyeed ku leeyahay Kampala, dalka Uganda ayaa xidhiidh ku ...
Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE