BuhodlePost.com logo

GEEDDISOCODKA DHAQAALAHA SOOMAALIYEED. W/Q. Maxamad Dalmar

GEEDDISOCODKA DHAQAALAHA SOOMAALIYEED

W/Q. Maxamad Dalmar

Odhaahda tifaftirka: Dad badan oo ku xeel dheer arimaha Soomaaliya, ayaa aaminsan in burburka iyo dhibaatooyinka ka dhacay Soomaaliya ay gundhig u aheyd ama u tahay maamul xumo ku timid dhinaca dhaqaalaha iyo hantida dalka (public financial mismanagement). Haddaba war bixintan uu soo diyaariyay Md. Maxamed Dalmar, oo ka hor burburkii dowladdii dhexe ee Soomaalia ahaa Agaasimaha Guud ee Bangiga Dhexe, islamarkaana Barre Sare ka ahaa kuliyadii Dhaqaalaha ee Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed,  ayaa si qoto dheer u eegayaa ilaha dhaqaale ee Soomaaliya iyo marxaladihii kale gedisnaa ee uu soo maray. Waxaan filaynaa in akhristayaashu ay wax badan ka korodhsan doonaan daraasadan.
_____________

Geedisocodka waxaan ula jeedaa waayihii iyo marxaladihii uu dhaqaalha Soomaaliya soo maray laga soo bilaabo markii aan xornimada qaadanay. Waa taariikh aan ugu talagalay inay akhristaan jiilasha cusub, siiba dhalinyarada dhaqaalaha barata. Sida lagu sheegay warbixino badan 70% dadka Soomaaliyeed waa soddon-jir ama kuwa ka yar oo micnaheedu yahay, ma arag waxaan dowlad la’aan iyo dagaal sokeeye ahayn.

Taariikhda waxaa la yiri, waa soo noqnoqotaa oo waxaa looga faa’iideeystaa inaan khaladaadkii shalay la galay dib loogu dhicin. Waxaa si gaar ah ii soo jiitay hadal uu yiri nin la oran jirey
Ranshofen-Wetheimer oo xoghaye u ahaa Guddiga Qaramada Midoobay kala taliya Arrimaha Soomaaliya (United Nations Advisory Council of Somalia) oo ka koobnaa saddex dal: Masar, Kolombiya iyo Filibiin (saddex waddo oo Xamar ku yaal ayaa lagu sharfay saddexdaas dal). Xubnaha saddexdaas dal ayaa dawladda Talyaaniga kor ka ilaalinayey inuu si habboon u fuliyo ammaanadii loo dhiibay oo ahayd inuu toban sano xornimo ku gaarsiiyo gobolada koonfureed ee Soomaaliya (U.N. Trusteeship). Ka dib markuu soo maray gobolada iyo degmooyinka dalka, Ranshofen-Wetheimer wuxuu yiri: “Soomaaliya waxay ku sugan tahay xaalad qabyaaladeed oo ka daran tii casrul jahiligii, nabi Ciise ka hor (naxariis korkiisa ha ahaatee); Talyaaniguna wuxuu xasiloonida ku ilaaliya odayaal madax-dhaqameedyo ah oo uu mushahar yar siiyo. Waan garan karaa mawqifka adag oo haysta Maamulaha Guud ee Soomaaliya Signor Forlani. Hadduu qabyaaladda ka takhaluso waxaa dhici karta xasiloonidarro iyo dagaal qabiilada dhexdooda ah intii muddo ah. Hadiise heerka qabyaaladdu weli sidaas u xoog badan yahay, markaas waa mustaxiil inay Soomaaliya xor noqoto. …. Waddada keliya oo aniga ii muuqata waa in la jarjaro xargaha  qabyaaladda; bal in la burburiyo oo miino lagu qarxiyo qaab-dhismeedkeeda ilaa uu ka soo haro qalfoof aan naf lahayn, iyadoo laga bilaabayo dadka Soomaaliyeed oo magaalooyinka ku nool, beddelka qabyaaladdana dadka loo soo bandhigayo mashaariic waxbarasho, dhaqaale iyo bulshadeed oo wax ka tara noloshooda, kana kaafiya qabyaaladda”[1].

Hadalkaas wuxuu yiri ninkaasi sanadkii 1954. Ma moodaa inuu la hadlayey madaxda Soomaaliyeed ee hadda joogta.

Intanaan taariikhda fog u gelin, bal horta aan tilmaan kooban ka bixiyo muuqaalka dhaqaalaha Soomaaliyeed ee maanta. Heerka iyo xaddiga dhaqaale ee dal kasta waxaa lagu cabiraa tusaha loo yaqaan Gross Domestic Product (GDP). Waa qiimaha wax kasta oo dalkaas laga soo saaray sanad gudihiis ama muddo kale, ha ahaato shay badeeco ah ama adeeg la qabtay.  Sida ku cad warbixinta Bankiga Adduunka, GDP-da Soomaaliya waxaa lagu qiyaasay US$ 5.7 bilyan sanadkii 2014[2]. Waxaa la aaminsan yahay inay adag tahay in la qiyaaso GDP-da Soomaaliya sababahan awgood: 1) dalku ma laha xarumo tirakoob oo xogta si habsami ah u uruuriya, 2) wixii kayd ahaa oo horey loo hayey oo ku burburay dagaalkii sokeeye. 3) dabaceedda dhaqaalaha Sooomaaliya, oo xolaha iyo reer guuraaga ku xiran ayaan sahlayn in xog sugan la helo. Waad garan kartaa siday u adagtahay in la qiyaaso, oo GDP-da lagu daro xoolaha miyiga ee sandka dhashay, caanaha laga maalay iyo hilibka laga cunay oo weliba lacag loo rogo. Dadka dhaqaalah Soomaaliya darsa waxay isu keeni waayeen xogta buugaagta lagu qoro oo leh Soomaaliya waxay ku jirta shanta dal oo ugu saboolsan dunida iyo dhaldhalaalka, dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo nolosha ka muuqata magaaloyinka Soomaaliyeed.

Markii kor laga fiiriyo dhaqaalaha Soomaaliya waxaa si cad uga muuqdaa laba qaybood. Waa labada tiir oo dhaqaalaha haya:

Mid waa xoolaha nool oo 50% ay dadweeynaha Soomaaliyeed ku tiirsan yihiin, kana helaan nolol-maalmeedkooda. 40% waxsoosaarka dalka (GDP) wuxuu ka yimaadaa xoolaha nool. 80% lacagta qalaad waxaa laga helaa dhoofinta xoolaha. Intaas keliya ma ahee, ganacsiga xoolaha waxaa ka xoogsada dad badan oo danyar ah: mid qala, mid kariya, mid dulaala, mid gaadiid ku gura, mid dhoofiya iyo dawladaha oo dakhli canshuureed ka hela.

Kan labaad, waaa lacagta qurbajoogtu u soo diraan eheladooda iyo asxaabtooda oo gaareeysa ilaa 1.6 bilyan doollar. Waa lacag aad u badan markii loo fiiriyo baaxadda dhaqaalaha Soomaaliyeed. Lacagtaas waxaa ku nool 40% qoysaska soomaaliyeed oo la’aanteed macaluul u dhiman lahaa. Waa lacag kaalin mugweeyn kaga jirta dhaqaalaha Soomaaliya. Mar waxay nafaqo u tahay dadweeynaha malaayiinta gaaraya oo masruufta. Mar waxy daboosha   misaaniyadda ganacsiga dibedda, waxayna dalka ka haqabtirtaa lacagaha qalaad oo loogu baahan yahay in dibedda wax looga soo gato. Tusaale ahaan, sanadkii 2013, Soomaaliya qiimaha waxay soo dejisay (imports) wuxuu ahaa US$ 3.3 bilyan, qiimaha waxay dhoofisayna (exports) wuxuu ahaa US$ 779 milyan keliya[1]. Farqiga u dhwexeeya labadaas oo gaaraya US$2.5 bilyan waxaa daboolay lacagta qurbajoogtu soo diraan iyo in yar oo deeq dibadeed ah. Mar kalena waa isha uu ka soo galo dakhliga dawladda dhexe iyo tan gobolada, kuwaasoo ku tiirsan canshuurta soo dejinta.

Bal male iyadoo aan la helin lahayn lacagtaas. Soo Ganacsigu ma istaageen? soo dakhliga dawladdu ma marten, soo noloshu ciriiri ma gasheen? Ugu dambeeyntii, Lacagta qurbajoogtu waxay kobcisey qayb dhaqaale oo kale oo iyana aad u muuqata. Waa ganacsiga xawaaladaha, isgaarsiinta iyo bankiyada gaarka loo leeyahay oo maamula lacagaha qurbajoogtu soo xawilaan.

Waxaa jira walwal. Labadaas qaybood ee sidaas muhimka ugu ah dhaqaalaha ma sii jiridoonaan ayaa la is weeydiinayaa. Xoolaha waxaa weerar ku haya nabaadguur iyo abaaro isdaba joog ah, reer miyigiina waxay soo degeyaan magaalooyinka iyo tuulooyinka iyagoo camal la’aan ah.  Sideedana habka reer miyigu xoolaha u dhaqaan ma aha mid keenaya horumar dhaqaale ee waa mid la dagaalamaya nolol-maalmedka, haddiiba la helo (subsistence economy). Sidaan qaybaha dambe ee maqaalka ku xusi doono, lama siin xoolaha mudnaantay lahaayeen.

Halkan ka akhri: Geeddisocodka dhaqaalaha Soomaaliya

Maxamed Dalmar
Email:mdalmar@sympatico.ca
——————–
Maxamed Dalmar waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, isaga oo ahaa Agaasimaha Guud ee Bangiga Dhexe, islamarkaana barre ka ahaa kuliyadii Dhaqaalaha ee Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed. Dalmar waxa uuu degelkan WardheerNews kaga faaloodaa arimaha dhaqaalaha .

(Visited 29 times, 1 visits today)

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Maanta

Taariikhda Korneyl Muuse Biixi Cabdi
- Nov 21, 2017
https://www.youtube.com/watch?v=F3k42YIfJI4
SAVING THE UNITY OF SOMALIA: AN OPEN LETTER TO PRESIDENT FARMAJO October 9, 2017 By Osman Hassan
- Oct 19, 2017
SAVING THE UNITY OF SOMALIA: AN OPEN LETTER TO PRESIDENT FARMAJO October 9, 2017 By Osman ...
Somali people By handing ONLF officer Abdikarim Sheikh Muse to Ethiopia, the Somali government has betrayed its ownpeople.
- Sep 26, 2017
Somali people By handing ONLF officer Abdikarim Sheikh Muse to Ethiopia, the Somali government has ...
SŪRAH AL-KAHF: ARABIC TEXT – TRANSLATION AND MODERN COMMENTARY
- Sep 24, 2017
SŪRAH AL-KAHF: ARABIC TEXT - TRANSLATION AND MODERN COMMENTARY Imran N. Hosein   SurahKhafX
YUSUF GARAAD’S BIZARRE LETTER TO THE USA AMBASSADO
- Sep 9, 2017
YUSUF GARAAD’S BIZARRE LETTER TO THE USA AMBASSADOR September 4, 2017 By Osman Hassan “That was the ...
Masuul ka tirsan Golaha Dhalinta Maqaabul oo hanbalyo dhalasho farxad leh u diray lamaane gabadh ugu dhalatay dalka Uganda
- Aug 6, 2017
Kampala, Uganda —Masuul ka tirsan Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa Sabtidii hanbalyo dhalasho u diray ...
Caga-lule  wuxuu ku kacay waxa ka dambaysay oo si qayaxan u abaabulaysay maamul-goboleedka Puntland”Prof Cali khaliif.
- Aug 5, 2017
Caga-lule  wuxuu ku kacay waxa ka dambaysay oo si qayaxan u abaabulaysay maamul-goboleedka Puntland” By: ...
Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan Jubaland ka tirsan
- Aug 4, 2017
Kismaayo, Soomaaliya ---Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa Jimcaddii soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan ...
Xildhibaan Jubaland ka tirsan oo wadani u aqoonsaday qoraa ka faallooda arima gobalka
- Aug 4, 2017
Kismaayo, Soomaaliya(Buuhoodle Post)—  Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubaland ayaa galabnimadii Khamiista ku tilmaamay nin ...
Uganda: Xafiiska Maqaabul Ogaadeen ee Qaranka Soomaaliyeed oo aqoon is weydaarsi la xidhiidha dhaqanka la yeeshay bulshada Kampala
- Aug 3, 2017
Xafiiska Maqaabul Ogaadeen ee qaranka Soomaaliyeed ku leeyahay Kampala, dalka Uganda ayaa xidhiidh ku ...
Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE