BuhodlePost.com logo

BUUBAA OO FALANQEYN SHARCI KU SAMEEYEY FARAQA U DHAXEEYA SOMALILAND IYO SOOMAALIYA- (Act Union)

BUUBAA OO FALANQEYN SHARCI KU SAMEEYEY FARAQA U DHAXEEYA SOMALILAND IYO SOOMAALIYA,-( Act Union)

Magaca “British Somaliland” wuxu sharciyoobay 1888kii kolkay dowladda Ingiriisku sugtay, dawladaha caalamkuna ka garawsadeen, inay iyadu xukunto dhulka magacaa leh ee Geeska Afrika ku yaala. Sidoo kale, magaca “Somalia Italiana” wuxuu sharciyoobay 5tii Abriil, 1908dii kolku baarlamanka dowladda Tanyaanigu ansixiyey qaanuun midaynaya qaybihii Somalia ee kala duwanaa, si ay u sugto, dawladah caalamkuna ka garawsadaan, inay iyadu xunuto wadankaas ku yaala Geeska Afrika. Kolka laga reebo dhowr sanadood oo Ingiriiska iyo Talyaaniga midkooba ka kale ka qabsaday dalkuu haystay, haddana kolka la eego dhinaca sharciga dawliga ah, Somaliland iyo Somaliya waxay kala ahayeen laba dal oo laba dowladood oo kala duwani midkooba gooni u xukunto mid. Xuduudka kala xaddida labada dalna waxa la dhamaystiray bishii May ee sanadkii 1894tii.

Ka dib dhowr wada-xaajood oo dhex maray 1960kii siyaasiyiin ka soo kala jeeda Somaliland iyo Somalia , waxa la isku afgartay inay labada dal midwaliba kolkuu xoroobo Heshiis Midnimo (Act of Union) saxeexo, iyagoo qeexaya inuu isutaga labada dal yahay isutag sharci caalami ah ku dhisan. Dhacdooyinka taariikhiga ah ee arintaa ku lug lahaa waxa ka mid ahaa: 1. 27kii Juun ee 1960kii ayuu Baarlamankii dalka madaxabanaan ee Somaliland ( Legeslative Assembly) saxeexay Heshiiskii Isutaga Somaliland iyo Somalia (Union of Somaliland and Somalia Law). Heshiisku wuxuu qeexayaa inuu yahay mid ka dhexeeya laba dal oo midwali madaxbanaayahay oo laka yidhaahdo Somaliland iyo Somalia oo le xuduudihii caalamiga ahaa ee Ingiriiska iyo Talyaanigu ku heshiiyeen.

  1. 30kii Juun ee 1960kiina Baarlamankii maamulka Somalia een weli xoroobin ayaa isaguna ogolaaday inuu ansixiyo qabyoqoraal Heshiis Midnimo ( Atto di unioni). Isagoo garwaaqsaday inay khilaafyo dhowr ihi u dhexeeyaan heshiiska Somaliland soo gudbisay iyo heshiiskooda qabyoqoraalka ah, wuxuu baarlamanka Somalia ka codsady dawladda Somalia inay kala xaajooto dawladda Somaliland sidii labada heshiis loo midayn lahaa, ka dibna loo ansixin lahaa. May sooroobin inay arintaasu dhamaystiranto, sababo awgeed u badan jibbo Soomaalinimo iyo khibradla’aan dawladnimo oo haysatay xubnihii dawladda Somaliland ka socday.
  2. 31kii Jeenawari 1961 ayuu Baarlamankii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ay ku midoobeen Somaliland iyo Somaliya 1dii Juulaay 1960kii ansixiyay Heshiiskii Midnimo (Act of Union) ee sedexaad. Heshiiskaasi meelo badan ayuu ku khilaafsanaa heshiiskii Somaliland soo gudbisay, laakiinse qodobkiisa 11naad, faqradiisa 4raad waxay qiraysaa jiritaankii labada dawladood ee somaliland iyo Somalia.

Ismaaciil-Buubaa

 Xigasho; Hayaannews
(Visited 33 times, 1 visits today)

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Maanta

Somali people By handing ONLF officer Abdikarim Sheikh Muse to Ethiopia, the Somali government has betrayed its ownpeople.
- Sep 26, 2017
Somali people By handing ONLF officer Abdikarim Sheikh Muse to Ethiopia, the Somali government has ...
SŪRAH AL-KAHF: ARABIC TEXT – TRANSLATION AND MODERN COMMENTARY
- Sep 24, 2017
SŪRAH AL-KAHF: ARABIC TEXT - TRANSLATION AND MODERN COMMENTARY Imran N. Hosein   SurahKhafX
YUSUF GARAAD’S BIZARRE LETTER TO THE USA AMBASSADO
- Sep 9, 2017
YUSUF GARAAD’S BIZARRE LETTER TO THE USA AMBASSADOR September 4, 2017 By Osman Hassan “That was the ...
Masuul ka tirsan Golaha Dhalinta Maqaabul oo hanbalyo dhalasho farxad leh u diray lamaane gabadh ugu dhalatay dalka Uganda
- Aug 6, 2017
Kampala, Uganda —Masuul ka tirsan Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa Sabtidii hanbalyo dhalasho u diray ...
Caga-lule  wuxuu ku kacay waxa ka dambaysay oo si qayaxan u abaabulaysay maamul-goboleedka Puntland”Prof Cali khaliif.
- Aug 5, 2017
Caga-lule  wuxuu ku kacay waxa ka dambaysay oo si qayaxan u abaabulaysay maamul-goboleedka Puntland” By: ...
Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan Jubaland ka tirsan
- Aug 4, 2017
Kismaayo, Soomaaliya ---Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa Jimcaddii soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan ...
Xildhibaan Jubaland ka tirsan oo wadani u aqoonsaday qoraa ka faallooda arima gobalka
- Aug 4, 2017
Kismaayo, Soomaaliya(Buuhoodle Post)—  Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubaland ayaa galabnimadii Khamiista ku tilmaamay nin ...
Uganda: Xafiiska Maqaabul Ogaadeen ee Qaranka Soomaaliyeed oo aqoon is weydaarsi la xidhiidha dhaqanka la yeeshay bulshada Kampala
- Aug 3, 2017
Xafiiska Maqaabul Ogaadeen ee qaranka Soomaaliyeed ku leeyahay Kampala, dalka Uganda ayaa xidhiidh ku ...
 Fashilaada Fiidmeertii bambooyinka Lagu Rakibay, Adeegsigii aadamigu U Adeegsaday Colaadaha. 
- Aug 1, 2017
 Fashilaada Fiidmeertii bambooyinka Lagu Rakibay, Adeegsigii aadamigu U Adeegsaday Colaadaha. Washington (Bpost)- Xilligii uu socday ...
War Murtiyeed ka soo baxay shir ay dhalinta Maqaabul Ogaadeen ee Qaranka Soomaaliyeed khadka ku yeesheen
- Aug 1, 2017
Buuhoodle Post---Dhalinta Beesha Maqaabul Ogaadeen ee Qaranka Soomaaliyeed ayaa war murtiyeed ka soo saaray ...
Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE