BuhodlePost.com logo

Mustaqbalka Xawaaladaha Soomaalida

Mustaqbalka Xawaaladaha Soomaalida

Waxaan akhriyay qoraalkii uu diyaariyay Liibaan ee ahaa (Jabka iyo Dhaca ay Xawaaladaha ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed) ee lagu soo daabacay shabakadan (barkinka.com) markaas ayey igu dhalatay in aan qoraalkani sameeyo. Qoraalkan waa mid kooban oo taabanaya arimo lagu sheegay qoraalkii ahaa (Jabka iyo Dhacca ay Xawaaladaha ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed) waxaana isku dayay inaan yara faahfaahiyo arimahaa qaarkood.

Waxaa la dhihi karaa qoraalka Liibaan waa mid qiimo badan, wuxuuna daaha ka feyday arimo badan oo la xidhiidha Nidaamka Xawilaadda iyo Xawaaladaha, qaabkay dowladda Soomaaliya iskugu xidhi lahayd ama uga faaidaysan lahayd shaqada Xawaaladaha iyo xidhiidhka caalamka oo xidhiidh la leh jaangooynta iyo qorshe habaysan oo loo raaci karo siyaasadda dibadda iyo kobcinta dhaqaalaha. Qoraalku wuxuu xusay arimo badan ooy ka mid yihiin; baahida loo qabo Xawaaladaha iyo dowrka ay ka ciyaari karaan horumarka dalka iyo bulshada,  baahida loo qabo isbedel lagu sameeyo qaabka Xawaaladuhu ku socdaan, iyo inay Xawaaladuhu dhagahooda furan ooy wax ka bartaan Xawaaladaha ka jira dalalka kale ee dunida.

Nidaamka Xawilaadda iyo Xawaaladuhu waa nidaam ka jira wadamo badan, sida Galbeedka Afrika, Koonfurta Aasiya iyo Bariga Afrika, waxaana loo badinayaa inuu asal ahaan ka yimid Koonfurta Aasiya, gaar ahaan Hindiya. Dad badan ayaa aaminsan ama ku tilmaama Nidaamka Xawaaladaha Nidaam Bangiyeed Qarsoon ama “Underground Banking” waxaana keenay baahida loo qabo helitaan adeeg noocan oo kale ah.

Xogta aan hayo ayaa ah in muddo laga joogo 30 – 40 sano ay shaqada Xawaaladuhu ka bilowdeen Soomaaliya, waxaana keenay baahi ay ganacsatada diabadda wax ka keenta gaar ahaan dalalka Caraba ama Khaliijka u qabeen nidaam sahlan ama deg-deg ah ooy ku helaan lacagaha adag (foreign currency). Xawaaladihii ugu horeeyay ama caansanaa waxay ahaayeen Dhiigshiil (oo markii dambe loo bixiyay Dahabshiil) iyo Al-Barakaat . Wakhtigaa Xawaaladuhu waxay qaban jireen ama diri jireen lacagaha ganacsatada oo kaliya, mana aynan qaban jirin lacagaha yaryar ama dadka caadiga ah isu diraan ama qaraabadooda u diraan. wakhti kadib ayaa waxaa ku yimid isbedel iyo nidaamka maanta ay u badan yihiin Xawaaladuhu ee ah in qof walba ama lacag walba  cadadkey tahayba la qabto ama la diro. Wixii ka dambeeyay 1992 waxaa la sameeyay Xawaalado badan oo leh wax shaqeeya maanta iyo kuwo xidhmay.

Dhanka Itoobiya Nidaamkii Dhergiga ayaa kalifay inay ganacsatadu hesho qaab ay dibadda wax uga soo iibsadaan gaar ahaan wadamada Carabta ama Khaliijka, waxaana ka jiray Xawaalado badan ooy lahaayeen ganacsato Muslimiin ah haba u Oromo, Axmaaro iyo Tigray, waxaana filayaa inay jirtay Xawaalad uu lahaa Al Camuudi ama qdad araabadiisa ah. Xawaaladaha Itoobiya ayaa ahaa kuwo ka duwan kuwa Soomaalida, waxayna qaban jireen ama bixin jireen lacagaha ganacsatada oo kaliya meesha ay Xawaalada Soomaalidu diri jireen ama qaban jireen lacag walba. Ilaa iyo maanta Xawaaladaha Itoobiya waxay ku shaqeeyaan nidaamkaa hore mana qabtaan lacagaha yaryar ama dadka caadiga ah. Waxaa la aamainsan yahay in lacagaha la xawilo badankood ay maraan Xawaaladaha Soomaalida. Dhanka kale lama sheegin kaabe dhaqaale ama gargaar muuqda ooy Xawaaladuhu ku biiriyeen arimaha abaaraha iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya ama wadamada Geeska Afrika.

Xawaaladaha ayaa dhankooda waxay la kulmaan dhibaatooying badan, waxay la kulmaan dhibaatooyin xadhig ama dhac ama jirto cid ama dowlad difaacda ama hagta oo dabagal iyo sixitaan ku samaysa shaqooyinkooda. wadamo badan ayaa u diiday inay si xor ah uga dhex shaqaystaan. Dhanka kale waxaa kale oo jira habacsanaan iyo nidaam xumo ka jira Xawaaladaha iyo qaabka ay u shaqeeyaan, qaabka ay u shaqeeyaan ayaa ah mid aan caddayn, waxaa jira dhac ama is-dhac dhexdooda ah, iyo ayagoo xidhiidh la leh ururo iyo kooxo diimeed ama siyaasadeed, arimaha qabiilkana kama madhna nidaamka iyo shaqooyinka Xawaaladaha. September 2015 kulan dhex maray Ururka Xawaaladaha Soomaaliyeed ee Dalka Isu-tagga Imaaraadka iyo Kaaliye ku-xigeenka Wasiirka Maaliyadda Dalka Maraykanka, Daniel Glaser ayaa waxaa lagu sheegay in “Xawilaadaha Soomaaliyeed uu dhib ka haystay Furitaanka Xisaabaadyada Bangiyada iyo dirista lacagaha Waddamada Yurub, Maraykanka iyo kuwo kale ee Caalamka”

Sida ay qortay shabakada somalitalk.com dabayaaqadii 2007 madaxweynihii hore ee Soomaaliya (Cabdulaahi Yuusuf) wuxuu dowladiisa u sheegay sidan“Xawaaluduhu inta ay jiraan bangigeenu [Baanka Dehexe] ma hirgelayo, beentay miyaa!. Lacagaha adag (Hard Currency) ee yimaadaba haddii uu Xawaaladaha ku dhacayo Bangigeenu xaggee wax ka helayaa”. Nuxurka hadalkaa iyo talo bixinta maqaalka(Jabka iyo Dhacca ay Xawaaladaha ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed) ayaa isku meel ku biya shubanaya.

Xawaaladaha Soomaalidu way badan yihiin, waxayna ka diiwaan-gashan yihiin ama registration ka haystaan wadamo kala duwan, inkasta oo badankood xarumo ku leeyihiin Dubay. Ma jiro urur ama dallad ay ku midoobeen Xawaaladaha faraha badan. Qaabka ay ku shaqeeyaan ama dad ku shaqaaleeyaan ayaa ah hab qabiil, koox ama urur waana arimaha keena inay noqdaan fadhiid aan hour-socod ahayn.

Waxaa jirta baahida loo qabo Xawaaladaha iyo dowr balaadhan ooy ka ciyaari karaan horumarka dalka iyo bulshada,  waxaase lagama maarmaan ah isbedel lagu sameeyo qaabka Xawaaladuhu ku socdaan (legal and structural context), iyo inay Xawaaladuhu dhagahooda furaan ooy wax ka bartaan Xawaaladaha ka jira dalalka kale ee dunida.

Xawaaladuhu wanaag iyo dhibaataba way leeyihiin, waxaana jira khatar badan oo dhexdooda ama dibadda kaga iman karta waana lagama maarmaan in dib loo eego qaabkay wax u wadaan iyo meesha ay ku socdaan. Talooyinka uu soo jeediyay Liibaan ayaa ah kuwo muhiim u ah Xawaaladaha, dadka Soomaaliyeed iyo dowladda Soomaaliya.

Sanooyinkan dambe waxaa batay dhac ama is-dhac gudaha Xawaaladaha, waxaana tusaale ah Dalsan iyo Qaran oo albaabada loo xidhay, hanti bandanna ku luntay. Dhibku ma ah in labadaa Xawaaladood la xidhay ee waxaa jira hanti ka maqan macaamiil badan iyo macaamiisha oon helin jawaab ama xog waxa dhacay iyo sababaha keenay.

Sanooyinkan dambe Xawaaladuhu waxay la yimaadeen sheekooyin iyo wajiyo badan ayagoo samaystay guruubyo iyo laamo kala duwan sida isgaadhsiinta, maalgashiga, waxbarashada iyo waxyaabo kale arimahaa oo u fududeeyay inay dad badan lacago ka qaadaan ooy sidaa ku lunto hantidaa iyo waliba amaanooyinkii ay hayeen.

Isku soo duuduuboo Xawaaladuhu waa nidaam jira waxaana keenay waxyaabo badan ooy ka mid yihiin baahida iyo burburka ama dabacsanaanta nidaamka dowladda ama markay dowladdu qaban waydo  bixinta adeegga maaliyadeed ee dadweynuhu u baahan yahay. Hadaba su’aalaha loo baahan yahay ayaa ah; ma loo baahan yahay Xawaaladaha? Maxaase badiil ama badal ah ama lagaga maarmi karaa? Nidaamka manta ee Xawaaladuhu ma yahay mid hufan ama wax ku biiriya arimaha horumarka iyo deganaanshaha shucuubta iyo gobolka Geeska Afrika? Nidaamka Xawaaladaha ma yahay mid sii socon kara? Maxaase ka khaldan? Ama qaabkee loo caawin karaa maxaase lagu caawin karaa?

Qore: Axmed Rooble.

Halkan Hoose Ka Akhri Qormadii Hore.

Jabka iyo Dhacca ay Xawaaladahu ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

(Visited 24 times, 1 visits today)

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Maanta

Taariikhda Korneyl Muuse Biixi Cabdi
- Nov 21, 2017
https://www.youtube.com/watch?v=F3k42YIfJI4
SAVING THE UNITY OF SOMALIA: AN OPEN LETTER TO PRESIDENT FARMAJO October 9, 2017 By Osman Hassan
- Oct 19, 2017
SAVING THE UNITY OF SOMALIA: AN OPEN LETTER TO PRESIDENT FARMAJO October 9, 2017 By Osman ...
Somali people By handing ONLF officer Abdikarim Sheikh Muse to Ethiopia, the Somali government has betrayed its ownpeople.
- Sep 26, 2017
Somali people By handing ONLF officer Abdikarim Sheikh Muse to Ethiopia, the Somali government has ...
SŪRAH AL-KAHF: ARABIC TEXT – TRANSLATION AND MODERN COMMENTARY
- Sep 24, 2017
SŪRAH AL-KAHF: ARABIC TEXT - TRANSLATION AND MODERN COMMENTARY Imran N. Hosein   SurahKhafX
YUSUF GARAAD’S BIZARRE LETTER TO THE USA AMBASSADO
- Sep 9, 2017
YUSUF GARAAD’S BIZARRE LETTER TO THE USA AMBASSADOR September 4, 2017 By Osman Hassan “That was the ...
Masuul ka tirsan Golaha Dhalinta Maqaabul oo hanbalyo dhalasho farxad leh u diray lamaane gabadh ugu dhalatay dalka Uganda
- Aug 6, 2017
Kampala, Uganda —Masuul ka tirsan Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa Sabtidii hanbalyo dhalasho u diray ...
Caga-lule  wuxuu ku kacay waxa ka dambaysay oo si qayaxan u abaabulaysay maamul-goboleedka Puntland”Prof Cali khaliif.
- Aug 5, 2017
Caga-lule  wuxuu ku kacay waxa ka dambaysay oo si qayaxan u abaabulaysay maamul-goboleedka Puntland” By: ...
Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan Jubaland ka tirsan
- Aug 4, 2017
Kismaayo, Soomaaliya ---Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa Jimcaddii soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan ...
Xildhibaan Jubaland ka tirsan oo wadani u aqoonsaday qoraa ka faallooda arima gobalka
- Aug 4, 2017
Kismaayo, Soomaaliya(Buuhoodle Post)—  Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubaland ayaa galabnimadii Khamiista ku tilmaamay nin ...
Uganda: Xafiiska Maqaabul Ogaadeen ee Qaranka Soomaaliyeed oo aqoon is weydaarsi la xidhiidha dhaqanka la yeeshay bulshada Kampala
- Aug 3, 2017
Xafiiska Maqaabul Ogaadeen ee qaranka Soomaaliyeed ku leeyahay Kampala, dalka Uganda ayaa xidhiidh ku ...
Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE