BuhodlePost.com logo

Kulammadeyda Maanta ee Nairobi. yusuf garaad cumar blogsbot

Kulammadeyda Maanta ee Nairobi

Midowga Yurub

Maanta waxaan qaddar saacad ah Nairobi kulan kula qaatay Danjirayaasha dalalka ka tirsan Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya iyo Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Yurub u qaabbilsan Afrikada Bari.
Waxaan kala hadlay isbeddelka siyaasadeed ee dalka ka dhacay, nidaamka cusub ee shaqo iyo waxqabad ee ay Dowladdu soo rogtay.
Inkasta oo ay waxoogaa sare u qaadeen qaabka ay ula macaamili jireen Dowladda Soomaaliya waxaan haddana xusay in ay Dowladdu dalbeyso isbeddel intaa ka badani in uu ka muuqdo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Dowladaha ku bahoobay Midowga Yurub iyo weliba Midowga Yurub uuna soo saaro horumar la taaban karo oo tayo leh.
 
Waxaan xusay in biseyl siyaasadeed oo ka muuqdo shacabka Soomaaliyeed marka la eego doorashada Madaxweyne Farmaajo iyo sida loo soo dhoweeyay.  Sidoo kale in Baarlamaanku uu cod aan kala har lahayn ku taageeray Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre.
 
Waxaa kale oo aan xusay nooca xukuumadda oo u badan aqoon yahanno xirfadlayaal ah, ka madaxbannaan kooxeysi siyaasadeed, ayna ku jiraan tirada haweenka ah ee ugu badan.
 
Waxaan xusay iskaashiga iyo midnimada xoogeysatay ee Dowlad-Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka.

Ugu dambeyntii waxaan xusay in ay Dowladdu diyaar u tahay la xisaabtanka ka yimaada Dowlad ama Ururkii toos ula macaamila Dowladda Soomaaliya iyo hey’adaheeda kala duwan.
 
Waxaan xusay in howlahaasi ay u baahan yihiin in la garto lana taageero.  

Aakhirka waxaan xusay in Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ay xoojineyso Adeegga Habmaamuuska Qaran, ayna ku soo dhoweyneyso Danjiyarayaashu in ay ka faa’iideystaan iyaga oo dhowraya Axdiga Vienna ee Xiriirka Diblomaasiyadda ee 1961 oo qoraya in Safaarad kastaa ay la shaqeyso ama ay u sii marto shaqadeeda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka ay martida u tahay.

Jawaabaha su’aalo dhinacyo badan la iga weydiiyay ka dib, wadahadalku wuxuu ku dhammaaday jawi saaxiibtinnimo.

Waxaan ku faraxsan ahay in Danjirayaasha U. K. iyo Danjiraha Talyaanigu inkasta oo ay shirka ka qeyb galeen haddana aanay qolka nala fadhin.  Iyaga oo jooga Muqdisho ayay shirka uga qeyb qaateen hab maqal iyo muuqaal ah oo video lagu soo xiriiriyay.

India

Intaa ka dib waxaan la gooni ula kulmay Danjiraha India ee qaabbilsan Soomaaliya, Suchitra Durai oo fadhigeedu yahay magaalada Nairobi.
Waxaan ka wadahadalnay xiriirka labada dal ee soo jireenka ah, iskaashiga labada Dowladood oo heer billow ah taagan, korna u sii socda.
Waxaan uga mahadceliyay ciidanka India ee ka qeyb qaatay nabad ilaalinta Soomaaliya sagaashamaadkii iyaga oo ka tirsan Qarammada Midoobay.
Waxay iiga warbixisay xaaladda Maxaabbiista Soomaaliyeed iyo sidii gacanta Dowladda looga soo wareejin lahaa.  Arrintaas oo intii hore ka soo dhowaatay maaddaama ay Golaha Wasiirrada ee India ay aqbaleen heshiis ay kala saxiixan doonaan labada Dowladood oo Maxaabbiista la isugu celinayo.  

Waxaan u sheegay sida arrinkaas muhiim iyo weliba deg deg noogu yahay.  Waxaan ka codsaday in saxiixa heshiiska iyo ebyidda howshan ay dhankooda de-dejiyaan.

Waxaan aakhirkii kala qaadannay howsha labada Dowladood ay mid waliba gaarkeeda u soo sameyn doonto.

Norway

Waxaan fadhi wadaqaadannay Danjiraha Norway u qaabbilsan Soomaaliya, Victor Ronnenberg, oo fadhigiisu yahay Nairobi iyo Ku Xigeenkiisa, Vebjørn Heines, waxaanan iska wareysannay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay dib u heshiintu.  Waxaa kale oo aan ka wadahadalnay Oslo Forum oo aan toddobaadka soo socda aan ka qeyb geli doono.

ICRC

Mas’uul ka tirsan Guddiga Caalamiga ah ICRC ayaan ka dib kulannay oo aan ka wadahadalnay xaaladda dadkii Soomaaliyeed ee lagu dilay Yemen oo dhowaan la aasay oo uu warbixin iga siiyay. Sidoo kale waxaan ka wadahadalnay liiska dadka meydkooda la aasay iyo qabriga mid kasta in lagu sunto magaciisa.
 
ICRC waxaa kale oo aan markii labaad isla soo qaadnay Maxaabbiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalal kala duwan iyo in ay ICRC na soo wargeliso mar kasta oo ay ka warhesho maxbuus Soomaaliyeed ee dal shisheeye ku xiran.

US iyo UN

Si aan ballan ahayn waxaan iyagana wadajir isu aragnay Danjiraha Mareykanka ee Muqdisho, Stephen Schwartz iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya, Michael Keating oo aan erayo kooban is weydaarsannay.
Kulammada waxaa badankood goobjoog ka ahaa Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, Cali Maxamed Shiikh kulanka Norway waxaa isaga goob joog ka ahaa Mustaqiim Wayd oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.
(Visited 16 times, 1 visits today)

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Maanta

Somali people By handing ONLF officer Abdikarim Sheikh Muse to Ethiopia, the Somali government has betrayed its ownpeople.
- Sep 26, 2017
Somali people By handing ONLF officer Abdikarim Sheikh Muse to Ethiopia, the Somali government has ...
SŪRAH AL-KAHF: ARABIC TEXT – TRANSLATION AND MODERN COMMENTARY
- Sep 24, 2017
SŪRAH AL-KAHF: ARABIC TEXT - TRANSLATION AND MODERN COMMENTARY Imran N. Hosein   SurahKhafX
YUSUF GARAAD’S BIZARRE LETTER TO THE USA AMBASSADO
- Sep 9, 2017
YUSUF GARAAD’S BIZARRE LETTER TO THE USA AMBASSADOR September 4, 2017 By Osman Hassan “That was the ...
Masuul ka tirsan Golaha Dhalinta Maqaabul oo hanbalyo dhalasho farxad leh u diray lamaane gabadh ugu dhalatay dalka Uganda
- Aug 6, 2017
Kampala, Uganda —Masuul ka tirsan Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa Sabtidii hanbalyo dhalasho u diray ...
Caga-lule  wuxuu ku kacay waxa ka dambaysay oo si qayaxan u abaabulaysay maamul-goboleedka Puntland”Prof Cali khaliif.
- Aug 5, 2017
Caga-lule  wuxuu ku kacay waxa ka dambaysay oo si qayaxan u abaabulaysay maamul-goboleedka Puntland” By: ...
Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan Jubaland ka tirsan
- Aug 4, 2017
Kismaayo, Soomaaliya ---Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa Jimcaddii soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan ...
Xildhibaan Jubaland ka tirsan oo wadani u aqoonsaday qoraa ka faallooda arima gobalka
- Aug 4, 2017
Kismaayo, Soomaaliya(Buuhoodle Post)—  Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubaland ayaa galabnimadii Khamiista ku tilmaamay nin ...
Uganda: Xafiiska Maqaabul Ogaadeen ee Qaranka Soomaaliyeed oo aqoon is weydaarsi la xidhiidha dhaqanka la yeeshay bulshada Kampala
- Aug 3, 2017
Xafiiska Maqaabul Ogaadeen ee qaranka Soomaaliyeed ku leeyahay Kampala, dalka Uganda ayaa xidhiidh ku ...
 Fashilaada Fiidmeertii bambooyinka Lagu Rakibay, Adeegsigii aadamigu U Adeegsaday Colaadaha. 
- Aug 1, 2017
 Fashilaada Fiidmeertii bambooyinka Lagu Rakibay, Adeegsigii aadamigu U Adeegsaday Colaadaha. Washington (Bpost)- Xilligii uu socday ...
War Murtiyeed ka soo baxay shir ay dhalinta Maqaabul Ogaadeen ee Qaranka Soomaaliyeed khadka ku yeesheen
- Aug 1, 2017
Buuhoodle Post---Dhalinta Beesha Maqaabul Ogaadeen ee Qaranka Soomaaliyeed ayaa war murtiyeed ka soo saaray ...
Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE