BuhodlePost.com logo

DAWLADDA SOMALILAND OO KU BAAQDAY IN DIB LOO BILAABO WADAHADALKII U SOCDAY SOOMAALIYA

 

Dawladda Somaliland oo ku Baaqday in Dib Loo Bilaabo Wadahadalkii u Socday Soomaaliya

London(Bpost)- Dawladda  Jamhuuriyadda Somaliland,  ayaa ug baaqday dawladda dhawaan la doortay ee Soomaaliya in dib loo furo wadahadaladii u dhaxeeyay labada dhinac, si looga wadaxaajoodo arrimaha Nabadgelyada, Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta, sidaasna waxaa shaaca ka qaaday  Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, Dr. sacad Cali Shire.

Sida lagu baahiyey Mareegta African Business,  Wasiirka Arrimaha dibadda oo ka hadlayay  shir lagu qabtay London oo lagu xusayay sannad guurada 26-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland, waxa uu sheegay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya dooratay Bishii February ee la soo dhaafay, uu keeni doono in guul laga gaadho wadahadalka  iyo iskaashiga labada dhinac ee Mustaqbalka.

“Waxaannu bilownay wadahadalka aanu la leenahay Soomaaliya sannadkii 2012-kii,  waxaanan yeelanay wadahadalo soo taxnaa illaa muddadaas, waxaannu ka wada hadalnay arrimo badan oo aan horumar laga gaadhin marka laga reebo maamulka  hawadda. Waxaanu qabnaa in dawladii hore ee Soomaaliya aanay u heelanayn wadahadalka, hase ahaatee dawladan cusubi waxay sheegtay inay ka go’an tahay wadaxaajoodku. Waxaannu filaynaa inaanu horumar ka gaadhi doono,” ayuu yidhi Sacad Cali Shire.

Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi; “Aakhirka,  waxaannu  u aragnaa in Somaliland iyo Soomaaliya noqon doonaan laba dal oo madax-bannaan oo iska kaashada dhinacyo badan, waxa jira mowduucyo badan oo aannu ka wada-hadli karno annaga iyo Soomaaliya oo ay ka mid yihiin dhinacyada nabadgelyada, hawadda,  arrimaha la xidhiidha iskaashiga dhaqaalaaha, horumarinta iyo  caafimaadka. Waxaannu beesha caalamku ugu baaqnay inay Soomaaliya ku cadaadiyaan in wada hadaladu midho-dhalaan.”

Dr. Sacad waxa uu sheegay inay caddaalad darro tahay in caalamku Soomaaliya aad u danaynayo, halka aanay Somaliland oo xasiloon oo dimuqraadi ahina aanay aad ugu soo jeedin caalamku, waxaannu yidhi; “Somaliland waxay ku naaloonaysaa nabadgelyo iyo deganaansho, waxaana ka jirta dimuqraadiyad, waxaannu  doonaynaa  in beesha caalamku  ay Somaliland ku abaal-mariso  waxaa wanaagsan ee ay qabsatay oo aanay diirada saarin oo aanay garab gelin  dalalka  guuldaraystay sida Soomaaliya iyo meelaha kaleba.”

Dawannews Hargeysa office

(Visited 32 times, 1 visits today)

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Maanta

Taariikhda Korneyl Muuse Biixi Cabdi
- Nov 21, 2017
https://www.youtube.com/watch?v=F3k42YIfJI4
SAVING THE UNITY OF SOMALIA: AN OPEN LETTER TO PRESIDENT FARMAJO October 9, 2017 By Osman Hassan
- Oct 19, 2017
SAVING THE UNITY OF SOMALIA: AN OPEN LETTER TO PRESIDENT FARMAJO October 9, 2017 By Osman ...
Somali people By handing ONLF officer Abdikarim Sheikh Muse to Ethiopia, the Somali government has betrayed its ownpeople.
- Sep 26, 2017
Somali people By handing ONLF officer Abdikarim Sheikh Muse to Ethiopia, the Somali government has ...
SŪRAH AL-KAHF: ARABIC TEXT – TRANSLATION AND MODERN COMMENTARY
- Sep 24, 2017
SŪRAH AL-KAHF: ARABIC TEXT - TRANSLATION AND MODERN COMMENTARY Imran N. Hosein   SurahKhafX
YUSUF GARAAD’S BIZARRE LETTER TO THE USA AMBASSADO
- Sep 9, 2017
YUSUF GARAAD’S BIZARRE LETTER TO THE USA AMBASSADOR September 4, 2017 By Osman Hassan “That was the ...
Masuul ka tirsan Golaha Dhalinta Maqaabul oo hanbalyo dhalasho farxad leh u diray lamaane gabadh ugu dhalatay dalka Uganda
- Aug 6, 2017
Kampala, Uganda —Masuul ka tirsan Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa Sabtidii hanbalyo dhalasho u diray ...
Caga-lule  wuxuu ku kacay waxa ka dambaysay oo si qayaxan u abaabulaysay maamul-goboleedka Puntland”Prof Cali khaliif.
- Aug 5, 2017
Caga-lule  wuxuu ku kacay waxa ka dambaysay oo si qayaxan u abaabulaysay maamul-goboleedka Puntland” By: ...
Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan Jubaland ka tirsan
- Aug 4, 2017
Kismaayo, Soomaaliya ---Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa Jimcaddii soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan ...
Xildhibaan Jubaland ka tirsan oo wadani u aqoonsaday qoraa ka faallooda arima gobalka
- Aug 4, 2017
Kismaayo, Soomaaliya(Buuhoodle Post)—  Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubaland ayaa galabnimadii Khamiista ku tilmaamay nin ...
Uganda: Xafiiska Maqaabul Ogaadeen ee Qaranka Soomaaliyeed oo aqoon is weydaarsi la xidhiidha dhaqanka la yeeshay bulshada Kampala
- Aug 3, 2017
Xafiiska Maqaabul Ogaadeen ee qaranka Soomaaliyeed ku leeyahay Kampala, dalka Uganda ayaa xidhiidh ku ...
Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE