BuhodlePost.com logo

Maraykanka Oo Ka Hadlay Shuruudaha Lagu Xidhay Dalka Qadar

Maraykanka Oo Ka Hadlay Shuruudaha Lagu Xidhay Dalka Qadar

 

 

White House Press Secretary Sean Spicer takes questions during a briefing at the White House February 2, 2017 in Washington, DC. (Photo by AFP)

Washington(Bpost)-Dowladda Maraykanka ayaa ku tilmaamtay xiisadda sii socota ee u dhexeysa dalka Qadar iyo waddamo kale oo Carabta ah, in ay tahay mid salka ku haysa “arimo qoys”.
Afhayeenka Aqalka Cad ee Maraykanka looga arimiyo, Sean Spicer, ayaa hadalkan sheegay mar uu la hadlayay weriyayaal ku sugnaa Washington.
“Waxaan rumaysannahay in khilaafkan uu u dhexeeyo qoys, afarta dal ee is-hayana waxaa looga baahan yahay in ay gaadhaan xal dhexdooda ah,” ayuu yidhi, Spicer oo intaa raaciyay, “haddii ay gacan nooga baahan yihiin diyaar ayaan u nahay, balse waa in ay xalka gaadhaan.”ayuu raaciyay hadalkiisa.Qadar ayaa waxaa go’doomiyay dhowaan xulafo uu horkacayo Sacuudiga, waxaana loo soo bandhigay 13 dalab oo ay tahay in ay fuliso xukuumadda Dooxa, si looga qaado cunaqabateynta.

Waxaa shuruudahaasi ka mid ah in Qadar ay xidho warbaahinta Al Jazeera, isla markaana xidhiidhka u jarto Iran.
Dalalka uu u dhexeeyo khilaafkan ayaa dhammaantood xidhidih dhaw la leh Maraykanka, xoghayaha arimaha dibedda ee Maraykanku weli kama hadlin shuruudaha lagu xidhay dalka Qadar.
Wasiirka arimaha dibedda ee Qadar, Sheekh Maxamed bin Cabdulraxman Al Thani, ayaa xaqiijiyay in uu soo gaadhay dhinacooda liiska dalabaadka ee kaga yimi Sucuudiga iyo xulufadiisa, wuxuuna xusay in ay diyaarinayaan jawaabta ku haboon ee ay Ka bixinayaan dalabkaa.

Arawelonews.

(Visited 15 times, 1 visits today)

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Maanta

Somali people By handing ONLF officer Abdikarim Sheikh Muse to Ethiopia, the Somali government has betrayed its ownpeople.
- Sep 26, 2017
Somali people By handing ONLF officer Abdikarim Sheikh Muse to Ethiopia, the Somali government has ...
SŪRAH AL-KAHF: ARABIC TEXT – TRANSLATION AND MODERN COMMENTARY
- Sep 24, 2017
SŪRAH AL-KAHF: ARABIC TEXT - TRANSLATION AND MODERN COMMENTARY Imran N. Hosein   SurahKhafX
YUSUF GARAAD’S BIZARRE LETTER TO THE USA AMBASSADO
- Sep 9, 2017
YUSUF GARAAD’S BIZARRE LETTER TO THE USA AMBASSADOR September 4, 2017 By Osman Hassan “That was the ...
Masuul ka tirsan Golaha Dhalinta Maqaabul oo hanbalyo dhalasho farxad leh u diray lamaane gabadh ugu dhalatay dalka Uganda
- Aug 6, 2017
Kampala, Uganda —Masuul ka tirsan Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa Sabtidii hanbalyo dhalasho u diray ...
Caga-lule  wuxuu ku kacay waxa ka dambaysay oo si qayaxan u abaabulaysay maamul-goboleedka Puntland”Prof Cali khaliif.
- Aug 5, 2017
Caga-lule  wuxuu ku kacay waxa ka dambaysay oo si qayaxan u abaabulaysay maamul-goboleedka Puntland” By: ...
Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan Jubaland ka tirsan
- Aug 4, 2017
Kismaayo, Soomaaliya ---Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa Jimcaddii soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan ...
Xildhibaan Jubaland ka tirsan oo wadani u aqoonsaday qoraa ka faallooda arima gobalka
- Aug 4, 2017
Kismaayo, Soomaaliya(Buuhoodle Post)—  Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubaland ayaa galabnimadii Khamiista ku tilmaamay nin ...
Uganda: Xafiiska Maqaabul Ogaadeen ee Qaranka Soomaaliyeed oo aqoon is weydaarsi la xidhiidha dhaqanka la yeeshay bulshada Kampala
- Aug 3, 2017
Xafiiska Maqaabul Ogaadeen ee qaranka Soomaaliyeed ku leeyahay Kampala, dalka Uganda ayaa xidhiidh ku ...
 Fashilaada Fiidmeertii bambooyinka Lagu Rakibay, Adeegsigii aadamigu U Adeegsaday Colaadaha. 
- Aug 1, 2017
 Fashilaada Fiidmeertii bambooyinka Lagu Rakibay, Adeegsigii aadamigu U Adeegsaday Colaadaha. Washington (Bpost)- Xilligii uu socday ...
War Murtiyeed ka soo baxay shir ay dhalinta Maqaabul Ogaadeen ee Qaranka Soomaaliyeed khadka ku yeesheen
- Aug 1, 2017
Buuhoodle Post---Dhalinta Beesha Maqaabul Ogaadeen ee Qaranka Soomaaliyeed ayaa war murtiyeed ka soo saaray ...
Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE