BuhodlePost.com logo

Somaliland oo  ka Diyaar-garowday   Dagaalada ka Socda Buuraleyda Gal-galla 

Somaliland oo  ka Diyaar-garowday   Dagaalada ka Socda Buuraleyda Gal-galla

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargaysa (Bpost)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka hadashay  saamaynta  ka soo gaadhi karta iyo waxa uga qorshaysan  haddii ay dhulka Somaliland ku soo fidaan  dagaalada    ka socda buuraleyda Gal-galla ee gobolka bari  ee  u dhexeeya maamul goboleedka Puntland iyo kooxda Al- Shabaab.

 

Maadaama oo buuraleyda Gal-galla  ee ay ku dagaalamaan Puntland iyo Al-shabaab  u dhawdahay, isla markaana   ay xuduud wadaagaan  gobolka Badhan ee Somaliland iyo gobolka Barri  oo  Puntland  maamusho.

Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali (Cadami),  ayaa caddeeyay in ay  dagaallada buuraleyda Gal-galla   isha ku yahaan, isla markaana ay  Somaliland diyaar u tahay  in ay  ka difaacato in Al-Shabaab ay u soo firxadaan dhulkeedda.

Waxaanu sheegay wasiirku in shacbiga degaamadda gobolka Badhan iyo ciidamadda qaranka Somaliland oo is-kaashanayaa  ay meel uga soo wada jeedaan sidii la isaga qaban lahaa in dagaaladu ku soo fidaan dhinaca Somaliland.

“Somaliland diyaar ayay u tahay,  horena dad fara badan ayaa kaga dhintay,  imikana waxay diyaar u tahay intii suurtogal ah in dhulka ay jiraana si fiican loo sahamiyo, lagu sii dhawaado.

Wax  alla wixii shacbiga meesha degan iyo ummada kale ee wanaaga jeceliba, haddii uu Puntland ka yimid iyo haddii uu meel kale ka yimid-ba,  in meel looga soo wada jeedsado ayaanu diyaar u nahay” ayuu yidhi wasiirka gaashaandhiga Somaliland oo shalay xafiiskiisa ugu waramayay bulsho TV.

 

Mar la waydiiyay wasiirka su’aal ahayd  in haddii ay al-shabaab kaga awood badato  Puntland  dagaalka,  in Somaliland ay gurmad ciidan u fidinayso Puntland  iyo in kale, waxa uu  yidhi  “Haddii ay ka awood badato, oo aanu arkayno in ay Shabaab tahay,  anagu (Somaliland) dad kale oo Soomaali ah in aan iska layno diyaar uma nihine.   Haddii  aanu hubino oo aanu xaqiijino in qoladan (Shabaab) hada caanka noqotay ay yihiin, waajib ayay nagu tahay in aan u gurmanno.”

(Visited 19 times, 1 visits today)

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Maanta

Taariikhda Korneyl Muuse Biixi Cabdi
- Nov 21, 2017
https://www.youtube.com/watch?v=F3k42YIfJI4
SAVING THE UNITY OF SOMALIA: AN OPEN LETTER TO PRESIDENT FARMAJO October 9, 2017 By Osman Hassan
- Oct 19, 2017
SAVING THE UNITY OF SOMALIA: AN OPEN LETTER TO PRESIDENT FARMAJO October 9, 2017 By Osman ...
Somali people By handing ONLF officer Abdikarim Sheikh Muse to Ethiopia, the Somali government has betrayed its ownpeople.
- Sep 26, 2017
Somali people By handing ONLF officer Abdikarim Sheikh Muse to Ethiopia, the Somali government has ...
SŪRAH AL-KAHF: ARABIC TEXT – TRANSLATION AND MODERN COMMENTARY
- Sep 24, 2017
SŪRAH AL-KAHF: ARABIC TEXT - TRANSLATION AND MODERN COMMENTARY Imran N. Hosein   SurahKhafX
YUSUF GARAAD’S BIZARRE LETTER TO THE USA AMBASSADO
- Sep 9, 2017
YUSUF GARAAD’S BIZARRE LETTER TO THE USA AMBASSADOR September 4, 2017 By Osman Hassan “That was the ...
Masuul ka tirsan Golaha Dhalinta Maqaabul oo hanbalyo dhalasho farxad leh u diray lamaane gabadh ugu dhalatay dalka Uganda
- Aug 6, 2017
Kampala, Uganda —Masuul ka tirsan Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa Sabtidii hanbalyo dhalasho u diray ...
Caga-lule  wuxuu ku kacay waxa ka dambaysay oo si qayaxan u abaabulaysay maamul-goboleedka Puntland”Prof Cali khaliif.
- Aug 5, 2017
Caga-lule  wuxuu ku kacay waxa ka dambaysay oo si qayaxan u abaabulaysay maamul-goboleedka Puntland” By: ...
Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan Jubaland ka tirsan
- Aug 4, 2017
Kismaayo, Soomaaliya ---Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa Jimcaddii soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan ...
Xildhibaan Jubaland ka tirsan oo wadani u aqoonsaday qoraa ka faallooda arima gobalka
- Aug 4, 2017
Kismaayo, Soomaaliya(Buuhoodle Post)—  Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubaland ayaa galabnimadii Khamiista ku tilmaamay nin ...
Uganda: Xafiiska Maqaabul Ogaadeen ee Qaranka Soomaaliyeed oo aqoon is weydaarsi la xidhiidha dhaqanka la yeeshay bulshada Kampala
- Aug 3, 2017
Xafiiska Maqaabul Ogaadeen ee qaranka Soomaaliyeed ku leeyahay Kampala, dalka Uganda ayaa xidhiidh ku ...
Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE