BuhodlePost.com logo

Musharaxa golaha wakiilada ee degmada buuhoodle jacfar abokor ayaa ka warbixiyey sidii ay kaadh qaadashadu ay uga qabsoontay degmada buhodle

Musharaxa golaha wakiilada ee degmada buuhoodle jacfar abokor ayaa ka warbixiyey sidii ay kaadh qaadashadu ay uga qabsoontay degmada buhodle.

 

Musharaxa golaha wakiilada ee degmada buhodle buuhoodle jacfar abokor ayaa warbixin uu khadka telefoonka warbaahinta kula soo xidhiidhay kaga warbixiyey sidii ay degmadiisa kaadhadhka codayntu uga qabsoomay waxaanu yidhi ” degmooyinka gobolka buuhodle hoos yimaada ayay xarun u tahay degmadani waxaana ay qayb ka ahayd qaadashada kaadhka codaynta oo saaka ka bilaabmay gobolada maroodijeex iyo gobolka togdheer, kuwaas oo aanu qayb ka ahayn, waxaana wax ilaahay loogu xamdi naqo ah, hadii ay degmadayada saaka 6;00 subaxnimo ka bilaabatay isla markaana aanu soo xidhnay 6;00 makhribnimo. anaga oo haysana mudo 5 cisho ah oo ay maanta ugu horrayso marka laga reebo labada maalmood ee safarka ah”

Musharaxa ayaa faahfaahiyey degmada buhodle iyo goobaha diiwaangelinta ee hore iyo kaadh qaadashaduba ay rug u ahayd magaalada carroweyn oo ay fadhiisin ciidan ku leeyihiin ciidamada qaranka somaliland, sidaa awgeedna ay degmadu fadhiisin ku lahayd maamulka khaatumo, taas awgeedna anaga oo u diidan in habsami u socodka qaabeed ee loo marayo doorashada, sidoo kale aanu tixgelinayno awaamiirta commitionka doorashooyinka waxaanu door bidnay inaanu magaalada carroweyn oo ah magaalo amnigeedu sugan yahay aanu u soo daadgurayno diiwaangelintii dadkayagii, taasoo si amni ah noogu soo gebagebawday”
Musharax jacfar ayaa intaa raaciyey waxa la galay xilli jiilaal ka dibna ay dadkii deegaanku naq raaceen inkasta oo aanay si aad ah u fogayn ” waxaanuse cabasho xoogan ka tirsanaynaa commitionka doorashooyinka oo diiwaangeiintii horena aan wax kharash ah, hawlgal ah, iyo wacyigelin midna soo raacin diiwaangelinta, anaguna aanu jeebkayaga ka debberay in uu maantana baabuurkii wacyigelintu wax wakhti ahba siin shacabka ee uu isla markiiba iska gudbay,taasina sababtay inaanu gaadiid kiro ah ku xidhano michriphono isla markaana ku wacyi gelino shacabka, arrintaas oo nagu ah markii 2 aad, taasina ay muujinayso inay tahay mid ula kac ah oo qayb ka ah inaanaan muujin codkayaga doorashada aanu u nahay muwaadiniinta xaqa u leh, kuna dooranayaan shacabku musharaxooda, iyo xisbiga ay doorka moodaan”.

Ugu danbayn waxa uu musharuxu carrabka ku adkeeyey in ay degmada buhodle la mid tahay labada degmo ee widhwidh iyo qorulugod sida ay uga hawlgelayaan xubnaha commitionka doorashooyinka iyo wacyigelintu iyo sidoo kale kharashka hawlgal ee loo qoondeeyey degmooyinka kaas oo aan marna nala tusin, anaga haddii naloogu talogalayna aan nala soo gaadhsiinn, waxaanuna u aragnaa cadaadis gaar nagu ah, waanu ogolahay haddii uu deegaankayaga wax dhib marna lagala kulmay ama laga soo sheegay, hase ahaatee maaha mid aanu xaq u leenahay inaanu waajibaadkii xaqa naloogu lahaana si habsami oo ka go’an mujtamacayaga aanu u gudano, wixii aanu shacabka reer soomaaliland ula sinayn ee xaqa u lahayn xukuumada iyo commitionkeeda nala siin waayo qoondadayadii aanu lahayn ee hawl fududaynta ahayd, waana mid si gaar naloogu maamulayo, waxaanuna uga faa’iideysanayaa cid kasta oo arrintani saamayn ku leedahay inay naga soo siiso jawaab nagu filan oo degdeg ah oo aanu ku mutaysanay, si kasta oo anaga arki waa naloogu sameeyana xaqayga codayneed maaha mid aannu ku baajinayno inaanu si xor iyo xalaal ah ugu doorano musharaxayagii iyo xisbiga aanu doorbidno.

(Visited 57 times, 1 visits today)

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Maanta

Taariikhda Korneyl Muuse Biixi Cabdi
- Nov 21, 2017
https://www.youtube.com/watch?v=F3k42YIfJI4
SAVING THE UNITY OF SOMALIA: AN OPEN LETTER TO PRESIDENT FARMAJO October 9, 2017 By Osman Hassan
- Oct 19, 2017
SAVING THE UNITY OF SOMALIA: AN OPEN LETTER TO PRESIDENT FARMAJO October 9, 2017 By Osman ...
Somali people By handing ONLF officer Abdikarim Sheikh Muse to Ethiopia, the Somali government has betrayed its ownpeople.
- Sep 26, 2017
Somali people By handing ONLF officer Abdikarim Sheikh Muse to Ethiopia, the Somali government has ...
SŪRAH AL-KAHF: ARABIC TEXT – TRANSLATION AND MODERN COMMENTARY
- Sep 24, 2017
SŪRAH AL-KAHF: ARABIC TEXT - TRANSLATION AND MODERN COMMENTARY Imran N. Hosein   SurahKhafX
YUSUF GARAAD’S BIZARRE LETTER TO THE USA AMBASSADO
- Sep 9, 2017
YUSUF GARAAD’S BIZARRE LETTER TO THE USA AMBASSADOR September 4, 2017 By Osman Hassan “That was the ...
Masuul ka tirsan Golaha Dhalinta Maqaabul oo hanbalyo dhalasho farxad leh u diray lamaane gabadh ugu dhalatay dalka Uganda
- Aug 6, 2017
Kampala, Uganda —Masuul ka tirsan Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa Sabtidii hanbalyo dhalasho u diray ...
Caga-lule  wuxuu ku kacay waxa ka dambaysay oo si qayaxan u abaabulaysay maamul-goboleedka Puntland”Prof Cali khaliif.
- Aug 5, 2017
Caga-lule  wuxuu ku kacay waxa ka dambaysay oo si qayaxan u abaabulaysay maamul-goboleedka Puntland” By: ...
Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan Jubaland ka tirsan
- Aug 4, 2017
Kismaayo, Soomaaliya ---Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa Jimcaddii soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan ...
Xildhibaan Jubaland ka tirsan oo wadani u aqoonsaday qoraa ka faallooda arima gobalka
- Aug 4, 2017
Kismaayo, Soomaaliya(Buuhoodle Post)—  Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubaland ayaa galabnimadii Khamiista ku tilmaamay nin ...
Uganda: Xafiiska Maqaabul Ogaadeen ee Qaranka Soomaaliyeed oo aqoon is weydaarsi la xidhiidha dhaqanka la yeeshay bulshada Kampala
- Aug 3, 2017
Xafiiska Maqaabul Ogaadeen ee qaranka Soomaaliyeed ku leeyahay Kampala, dalka Uganda ayaa xidhiidh ku ...
Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE