BuhodlePost.com logo

Halku-dhigyo Dimuqraadiyada Laga Yidhi oo Xilligan Taagan By: Cumar M. Faarax.

Halku-dhigyo Dimuqraadiyada Laga Yidhi oo Xilligan Taagan
By: Cumar M. Faarax

Donald Trump ayaa laga hayey inuu ku tiraabay markii uu doorashadii uu ku guulaystay u cararayey dabayaaqadii kalhore. “Mid ka mid ah dhibaatooyinka waaweyn ee maanta jiraa waxa weeyaan in siyaasaddii ay noqotay sharaf-dhac oo aanay dadkii wanaagsanaa galaynin dawladii.” “One of the key problems today is that politics is such a disgrace, good peopledon’t go into government.”

Malahayga waa siduu u suureeyay Filusoofkii Giriiga ee Plato, oo sharraxay saamaynta taban ee xilliga dadka wanaagsan ka dhuuntaan ka qaybgalka siyaasadda amma ay kaalin ka waayaan; waxaannu yidhi “Ciqaabaha ka dhasha inaad ka qaybgeli waydo siyaasaddu waxay sababtaa inaad ku dambayso inay ku xukumaan qaar kartida, aqoonta iyo waayo aragnimadaba iin ka lihi.” “One of the penalties for refusing to participate in politics is that you end up being governed by your inferiors.”

 

Ra’iisu-wasaarihii hore ee Ingiriiska, Winston Churchill, oo ku xijaabtay 90 jir 24-kii January 1965-kii, ayaan halku-dhigiisii ka soo qaatay saddarkan oo uu isku barbar-dhigay dagaalka qoriga iyo ka siyaasadda, waxaannu yidhi: “Dagaalka waxa lagu dili karaa uun hal mar, laakiin siyaasadda waxa lagaa adkaan karaa marar badan.” “In war you can only be killed once, but in politics many times.”
Madaxweynihii 16-aad ee Maraykanka, Abraham Lincoln oo sharci-yaqaan gaamuray ahaa, ayaa ummadaha masuuliyiintooda soo doorta ugu bushaareeyay awoodaha culus ee gacmahooda ku jira, waxaannu ku qowlay; “Codbixintu waxay ka xoog badan tahay rasaasta” “The ballot is stronger than the bullet.”

Halyaygii Faransiiska ee Charles De Gaulle, ayaa tilmaamay astaamaha siyaasiga gurracan, waana tii laga guntay “Siyaasiga aan aaminsanayn waxa uu yidhaahdo, wuu la yaabaa marka uu arko qaar isaga ayidsan.” “Since Politician never believes what he says, he surprised when others bleive him.”
Aan ku soo khatimo kaydkii dhaxal-galka ahaa ee ILAAHAY ha u naxariistee Abwaan Gaariye innooga tagey ee ku jiray maansadii dabataxan oo aan ku caddeeyo nooca madaxda aan la jecelahay inay haaneedaan talada Somaliland:
“Waxa maanta ii daran
Qaran haga dadweynaha;
Qaran damal sidiisii
Noo dallaalimeeyoo
Soo taabta darafyada;
Qaran aan dir-sooc jirin
Qaran aan ahayn dulin
Nabad-doonka beeshiyo
Raacatada dulsaar ku ah;
Qaran aan dirsada oo
Anigaysku kay dirin;
Qaran iigu soo dara
Aan iiga sii darin;
Qaran gudaha daafaca
Dibeddana aqoonsi leh.”

Cumar Maxamed Faarax
cumarmfaarax@hotmail.co

Image may contain: 1 person
(Visited 28 times, 1 visits today)

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Maanta

Somali people By handing ONLF officer Abdikarim Sheikh Muse to Ethiopia, the Somali government has betrayed its ownpeople.
- Sep 26, 2017
Somali people By handing ONLF officer Abdikarim Sheikh Muse to Ethiopia, the Somali government has ...
SŪRAH AL-KAHF: ARABIC TEXT – TRANSLATION AND MODERN COMMENTARY
- Sep 24, 2017
SŪRAH AL-KAHF: ARABIC TEXT - TRANSLATION AND MODERN COMMENTARY Imran N. Hosein   SurahKhafX
YUSUF GARAAD’S BIZARRE LETTER TO THE USA AMBASSADO
- Sep 9, 2017
YUSUF GARAAD’S BIZARRE LETTER TO THE USA AMBASSADOR September 4, 2017 By Osman Hassan “That was the ...
Masuul ka tirsan Golaha Dhalinta Maqaabul oo hanbalyo dhalasho farxad leh u diray lamaane gabadh ugu dhalatay dalka Uganda
- Aug 6, 2017
Kampala, Uganda —Masuul ka tirsan Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa Sabtidii hanbalyo dhalasho u diray ...
Caga-lule  wuxuu ku kacay waxa ka dambaysay oo si qayaxan u abaabulaysay maamul-goboleedka Puntland”Prof Cali khaliif.
- Aug 5, 2017
Caga-lule  wuxuu ku kacay waxa ka dambaysay oo si qayaxan u abaabulaysay maamul-goboleedka Puntland” By: ...
Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan Jubaland ka tirsan
- Aug 4, 2017
Kismaayo, Soomaaliya ---Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa Jimcaddii soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan ...
Xildhibaan Jubaland ka tirsan oo wadani u aqoonsaday qoraa ka faallooda arima gobalka
- Aug 4, 2017
Kismaayo, Soomaaliya(Buuhoodle Post)—  Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubaland ayaa galabnimadii Khamiista ku tilmaamay nin ...
Uganda: Xafiiska Maqaabul Ogaadeen ee Qaranka Soomaaliyeed oo aqoon is weydaarsi la xidhiidha dhaqanka la yeeshay bulshada Kampala
- Aug 3, 2017
Xafiiska Maqaabul Ogaadeen ee qaranka Soomaaliyeed ku leeyahay Kampala, dalka Uganda ayaa xidhiidh ku ...
 Fashilaada Fiidmeertii bambooyinka Lagu Rakibay, Adeegsigii aadamigu U Adeegsaday Colaadaha. 
- Aug 1, 2017
 Fashilaada Fiidmeertii bambooyinka Lagu Rakibay, Adeegsigii aadamigu U Adeegsaday Colaadaha. Washington (Bpost)- Xilligii uu socday ...
War Murtiyeed ka soo baxay shir ay dhalinta Maqaabul Ogaadeen ee Qaranka Soomaaliyeed khadka ku yeesheen
- Aug 1, 2017
Buuhoodle Post---Dhalinta Beesha Maqaabul Ogaadeen ee Qaranka Soomaaliyeed ayaa war murtiyeed ka soo saaray ...
Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE