BuhodlePost.com logo

War Murtiyeed ka soo baxay shir ay dhalinta Maqaabul Ogaadeen ee Qaranka Soomaaliyeed khadka ku yeesheen

Buuhoodle Post—Dhalinta Beesha Maqaabul Ogaadeen ee Qaranka Soomaaliyeed ayaa war murtiyeed ka soo saaray kulan ay khadka internetka ku yeesheen Galabnimadii Isniinta.

Dhalinta Maqaabul ayaa xafiisyo ku leh magaalooyinka kala ah Muqdisho, Kismaayo, Kampala, Sanca iyo Meelo kale.

Dhalinta Maqaabul ayaa si qotodheer uga munaaqashootay arimo badan oo si toos ah iyo si dadban u taabanaya dadka iyo xuduudaha deegaanada Maqaabul oo ay ka mid yihiin arimaha bini’aadaminimo, abaaraha soo noq-noqday ee halis galiyay xoolaha iyo xoola dhaqatada. xaalufinta dhirta,shirkadaha shidaalka qoda, kalluumeysiga sharcidarrada, maraakiibta xaalufinaya kheyraadka badda, is la markaasna sunta ku shubaya badda deegaanka Joorre, gaar ahaan Raas-kambooni, kala firirsanaanshaha iyo kala warqab la’aanta dadweynaha Maqaabul, iwm.

Shirka ayaa lagu doortay Gole Fulin oo danaha dadka Maqaabul Ogaadeen ee qaranka Soomaaliyeed si joogta ah u la soconaya, kaas oo shaqadiisu noqondoonto ka warbixinta, la socodka horumarka shaqooyin, dhaqan-dhaqaale, waxbarasho, siyaasadeed, bulsho, dhaqan iyo dhaqaale, is la markaasna daraasad ka sameyndoona saameynta arimaha bini’aadantinimo ee ku xeeran deegaanada iyo dadka, si xal loogu helo.

Gudiga Fulinta ee Maqaabul Ogaadeen ee qaranka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay xubnaha ka tirsan beesha in ay daacadnimada iyo u shaqeynta iskaa wax u qabso ah la garabtaagnaadaan dadkooda ku dhaqan Qubi, Doh iyo Doollo, Koonfurta Wajeer, Tuulooyinka iyo magaalooyinka W/Barri iyo dhammaan deegaanada Joorre oo ay ka mid yihiin magaalooyinka iyo Tuulooyinka: Badhaadhe, Kulbiyow, Waraq, Bilis Qooqaani, Raas-Kambooni, Kismaayo, qurbaha iyo xeryaha Qaxootiyada, iwm.

(Visited 15 times, 1 visits today)

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Maanta

Somali people By handing ONLF officer Abdikarim Sheikh Muse to Ethiopia, the Somali government has betrayed its ownpeople.
- Sep 26, 2017
Somali people By handing ONLF officer Abdikarim Sheikh Muse to Ethiopia, the Somali government has ...
SŪRAH AL-KAHF: ARABIC TEXT – TRANSLATION AND MODERN COMMENTARY
- Sep 24, 2017
SŪRAH AL-KAHF: ARABIC TEXT - TRANSLATION AND MODERN COMMENTARY Imran N. Hosein   SurahKhafX
YUSUF GARAAD’S BIZARRE LETTER TO THE USA AMBASSADO
- Sep 9, 2017
YUSUF GARAAD’S BIZARRE LETTER TO THE USA AMBASSADOR September 4, 2017 By Osman Hassan “That was the ...
Masuul ka tirsan Golaha Dhalinta Maqaabul oo hanbalyo dhalasho farxad leh u diray lamaane gabadh ugu dhalatay dalka Uganda
- Aug 6, 2017
Kampala, Uganda —Masuul ka tirsan Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa Sabtidii hanbalyo dhalasho u diray ...
Caga-lule  wuxuu ku kacay waxa ka dambaysay oo si qayaxan u abaabulaysay maamul-goboleedka Puntland”Prof Cali khaliif.
- Aug 5, 2017
Caga-lule  wuxuu ku kacay waxa ka dambaysay oo si qayaxan u abaabulaysay maamul-goboleedka Puntland” By: ...
Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan Jubaland ka tirsan
- Aug 4, 2017
Kismaayo, Soomaaliya ---Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa Jimcaddii soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan ...
Xildhibaan Jubaland ka tirsan oo wadani u aqoonsaday qoraa ka faallooda arima gobalka
- Aug 4, 2017
Kismaayo, Soomaaliya(Buuhoodle Post)—  Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubaland ayaa galabnimadii Khamiista ku tilmaamay nin ...
Uganda: Xafiiska Maqaabul Ogaadeen ee Qaranka Soomaaliyeed oo aqoon is weydaarsi la xidhiidha dhaqanka la yeeshay bulshada Kampala
- Aug 3, 2017
Xafiiska Maqaabul Ogaadeen ee qaranka Soomaaliyeed ku leeyahay Kampala, dalka Uganda ayaa xidhiidh ku ...
 Fashilaada Fiidmeertii bambooyinka Lagu Rakibay, Adeegsigii aadamigu U Adeegsaday Colaadaha. 
- Aug 1, 2017
 Fashilaada Fiidmeertii bambooyinka Lagu Rakibay, Adeegsigii aadamigu U Adeegsaday Colaadaha. Washington (Bpost)- Xilligii uu socday ...
War Murtiyeed ka soo baxay shir ay dhalinta Maqaabul Ogaadeen ee Qaranka Soomaaliyeed khadka ku yeesheen
- Aug 1, 2017
Buuhoodle Post---Dhalinta Beesha Maqaabul Ogaadeen ee Qaranka Soomaaliyeed ayaa war murtiyeed ka soo saaray ...
Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE