BuhodlePost.com logo

Uganda: Xafiiska Maqaabul Ogaadeen ee Qaranka Soomaaliyeed oo aqoon is weydaarsi la xidhiidha dhaqanka la yeeshay bulshada Kampala

Xafiiska Maqaabul Ogaadeen ee qaranka Soomaaliyeed ku leeyahay Kampala, dalka Uganda ayaa xidhiidh ku saabsan dhaqan is weydaarsi la sameeyay bulshada magaaladaas ku dhaqan ee Ugandiska ah, maalinimadii Arbacada.

Kulankan is barashada iyo kala warqaadashada ayaa ku soo beegmaya maalma uun ka dib markii la magacaabay Golaha Fulinta Dhalinta Maqaabul.

“Iyada oo aan isu muujineyno qadarin kala duwanaanshahanaga ayaan is weydaarsanay is barasho iyo aqoon is dhaafsi,” ayuu yidhi Cabdirashiid Cabdullaahi, Agaasimaha Xidhiidhka Dadweynaha iyo Isgaarsiinta ee Golaha Dhalinyarada Maqaabul.

Mar ay wax ka weydiiyeen deegaanada Maqaabul ayuu ugu jawaabay in saddex dalba deegaanada Maqaabul Ogaadeen ee Qaranka Soomaaliyeed isku balaadhiyay, is la markaasna ay xooladhaqato Reer-guuraa aad ugu adag dhaqanka yihiin-cid walba oo xoog badan oo isku dayday in ay xoog dhaqan bi’is ugu sameysana ay ku guuldareysatay taniyo qarniyaddii 19-aad iyo 20-aad.

“Dhulka aan u sheegay waxa ka mid aheyd magaalada Badhaadhe ee Jubada Hoose oo ay dhaheen ma aanaan maqal waligayo,” ayuu yidhi Cabdirashiid Cabdullaahi.

Sokeeye oo isna ka tirsan Golaha Dhalinta Maqaabul oo ka mid ahaa dadkii xidhiidhka la sameeyay Ugandhiiska ayaa sheegay in mudadii koobneyd ee ay arragtiyada is dhaafsanayeen dhaqankooda wax ka barteen, midka Maqaabul Ogaadeen ee Qaranka Soomaaliyeedna ay wax ka barreen.

Sokeeye ayaa sheegay in ay sii wadidoonaan xidhiidhka ay la sameeyeen Ugandha iyo kuwa kale ee ay is gaadhikaraan.

Uganda waxa ay ka mid tahay dalalka Ciidamada nabad ilaalinta dallada AMISOM ku bahoobay ka joogaan Soomaaliya.

Gudiga Fulinta Dhalinta Maqaabul Ogaadeen ee qaranka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Talaadaddii xubnaha ka tirsan beesha in ay daacadnimada iyo u shaqeynta iskaa wax u qabso ah la garabtaagnaadaan dadkooda ku dhaqan Qubi, Doh iyo Doollo, Koonfurta Wajeer, Tuulooyinka iyo magaalooyinka W/Barri iyo dhammaan deegaanada Joorre oo ay ka mid yihiin magaalooyinka iyo Tuulooyinka kala ah Badhaadhe, Kulbiyow, Waraq, Bilis Qooqaani, Raas-Kambooni, Kismaayo, qurbaha iyo xeryaha Qaxootiyada dadka ku sugan, iwm.

Si kasta ba ha ahaatee, dhaqdhaqaaqa iyo kulamada ay yeelanayaan Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa loo arkaa in ay yihiin
siyaabaha loo xoojin karo midnimada iyo soo afjaridda kala qeybsanaantii dadweynaha Maqaabul ee ku kala nool saddex dal oo Geeska Afrika ku yaal.

(Visited 36 times, 1 visits today)

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Maanta

Taariikhda Korneyl Muuse Biixi Cabdi
- Nov 21, 2017
https://www.youtube.com/watch?v=F3k42YIfJI4
SAVING THE UNITY OF SOMALIA: AN OPEN LETTER TO PRESIDENT FARMAJO October 9, 2017 By Osman Hassan
- Oct 19, 2017
SAVING THE UNITY OF SOMALIA: AN OPEN LETTER TO PRESIDENT FARMAJO October 9, 2017 By Osman ...
Somali people By handing ONLF officer Abdikarim Sheikh Muse to Ethiopia, the Somali government has betrayed its ownpeople.
- Sep 26, 2017
Somali people By handing ONLF officer Abdikarim Sheikh Muse to Ethiopia, the Somali government has ...
SŪRAH AL-KAHF: ARABIC TEXT – TRANSLATION AND MODERN COMMENTARY
- Sep 24, 2017
SŪRAH AL-KAHF: ARABIC TEXT - TRANSLATION AND MODERN COMMENTARY Imran N. Hosein   SurahKhafX
YUSUF GARAAD’S BIZARRE LETTER TO THE USA AMBASSADO
- Sep 9, 2017
YUSUF GARAAD’S BIZARRE LETTER TO THE USA AMBASSADOR September 4, 2017 By Osman Hassan “That was the ...
Masuul ka tirsan Golaha Dhalinta Maqaabul oo hanbalyo dhalasho farxad leh u diray lamaane gabadh ugu dhalatay dalka Uganda
- Aug 6, 2017
Kampala, Uganda —Masuul ka tirsan Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa Sabtidii hanbalyo dhalasho u diray ...
Caga-lule  wuxuu ku kacay waxa ka dambaysay oo si qayaxan u abaabulaysay maamul-goboleedka Puntland”Prof Cali khaliif.
- Aug 5, 2017
Caga-lule  wuxuu ku kacay waxa ka dambaysay oo si qayaxan u abaabulaysay maamul-goboleedka Puntland” By: ...
Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan Jubaland ka tirsan
- Aug 4, 2017
Kismaayo, Soomaaliya ---Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa Jimcaddii soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan ...
Xildhibaan Jubaland ka tirsan oo wadani u aqoonsaday qoraa ka faallooda arima gobalka
- Aug 4, 2017
Kismaayo, Soomaaliya(Buuhoodle Post)—  Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubaland ayaa galabnimadii Khamiista ku tilmaamay nin ...
Uganda: Xafiiska Maqaabul Ogaadeen ee Qaranka Soomaaliyeed oo aqoon is weydaarsi la xidhiidha dhaqanka la yeeshay bulshada Kampala
- Aug 3, 2017
Xafiiska Maqaabul Ogaadeen ee qaranka Soomaaliyeed ku leeyahay Kampala, dalka Uganda ayaa xidhiidh ku ...
Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE