BuhodlePost.com logo

Xildhibaan Jubaland ka tirsan oo wadani u aqoonsaday qoraa ka faallooda arima gobalka

Kismaayo, Soomaaliya(Buuhoodle Post)—  Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubaland ayaa galabnimadii Khamiista ku tilmaamay nin wadani ah qoraa ka faallooda arimaga gobalka oo ku sugan magaalada Kismaayo.

Qoraal laga dheehan karo darreen kalgacal oo uu soo dhigay bartiisa Facebook uu ku leeyahay Xildhibaan Maxamed Janagale waxa uu ku sifeeyay Cabdi Qawle qoraa wadani ah oo soo bandhiga horumarka maamul Gobaleedka Jubaland.

“Waxa aan rabaa in aan mudnaantiisa siiyo qoraaga ku caanbaxay wadaniyada iyo in uu soo bandhigo hormarka ummadiisa, qoraalkiisana si buuxda ugu hagarbaxo dawlad gobaleedka Jubaland.”

Xildhibaanka oo noqonaya masuulkii ugu horreeyay ee si cad uga hadla dadaalka qoraa Cabdi Qawle ayaa sheegay in qalinkiisa kula dagaalamo kuwa xummaanta wada, kuwa wanaaga ka shaqeeyana soo bandhigo waxqabadkooda, kuwaas oo uu sheegay in ay yihiin masuuliyiin ka tirsan dowlad Gobaleedka Jubaland.

Waxa uu hadalkiisa ku daray xildhibaan Janagale:

“Hadaba waa kuma shaqsigaas aan daaha ka qaadee ciddaan aqooney hadaba baro waa (Abdi Qowle) Maxuu mudanyahay? Wuxuu mudanyahay in looga daydo wanaaga. Hadaanahay masuuliyiinta Jubaland waa in aan ku abaalmarinaa dadaalkiisa wadaniyadda ku dheehan oo uu marwalba nala garabtaaganyahay.(Mudane Geljire).”

Dhanka kale, ma aha masuuliyiinta kaliya waxa uu jaceylkooda soo jiitay qoraagu. Xasan Ina-Cadow ayaa ka mid ah dadka darreenkooda la xidhiidha qoraaga ku soo bandhigay baraha bulshada.

“Waxa Aan Rabaa in aan yara iftiimiyo sxbkay Mudane Geljire. Markasta Waxa aan arkaa isaga oo bulshada u soo bandhiga warar sugan, war dhexdhexaad ah iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed qaarka bushadooda sida wanagsan ugu shaqeeya in uu soo bandhigo,” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Xasan Ina-Cadow oo ah aqoon yahan kale oo isaga laftiisu dadka waxqora ka mid ah.

“Waa wadani da yar, jecel dalkiisa iyo dadkiisa in ay wax noqdaan.”

“Waxa aan rabaa Asxaabtayda inta garanaysa Mudane Geljire in la waydiiyo, muxuu mudanyahay?” Anigu waxa aan dhihi lahaa wuxuu mudan yahay in la dhiirigaliyo, billad sharafna la siiyo,” ayuu hadalkiisa ku daray.

(Visited 27 times, 1 visits today)

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Maanta

Somali people By handing ONLF officer Abdikarim Sheikh Muse to Ethiopia, the Somali government has betrayed its ownpeople.
- Sep 26, 2017
Somali people By handing ONLF officer Abdikarim Sheikh Muse to Ethiopia, the Somali government has ...
SŪRAH AL-KAHF: ARABIC TEXT – TRANSLATION AND MODERN COMMENTARY
- Sep 24, 2017
SŪRAH AL-KAHF: ARABIC TEXT - TRANSLATION AND MODERN COMMENTARY Imran N. Hosein   SurahKhafX
YUSUF GARAAD’S BIZARRE LETTER TO THE USA AMBASSADO
- Sep 9, 2017
YUSUF GARAAD’S BIZARRE LETTER TO THE USA AMBASSADOR September 4, 2017 By Osman Hassan “That was the ...
Masuul ka tirsan Golaha Dhalinta Maqaabul oo hanbalyo dhalasho farxad leh u diray lamaane gabadh ugu dhalatay dalka Uganda
- Aug 6, 2017
Kampala, Uganda —Masuul ka tirsan Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa Sabtidii hanbalyo dhalasho u diray ...
Caga-lule  wuxuu ku kacay waxa ka dambaysay oo si qayaxan u abaabulaysay maamul-goboleedka Puntland”Prof Cali khaliif.
- Aug 5, 2017
Caga-lule  wuxuu ku kacay waxa ka dambaysay oo si qayaxan u abaabulaysay maamul-goboleedka Puntland” By: ...
Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan Jubaland ka tirsan
- Aug 4, 2017
Kismaayo, Soomaaliya ---Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa Jimcaddii soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan ...
Xildhibaan Jubaland ka tirsan oo wadani u aqoonsaday qoraa ka faallooda arima gobalka
- Aug 4, 2017
Kismaayo, Soomaaliya(Buuhoodle Post)—  Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubaland ayaa galabnimadii Khamiista ku tilmaamay nin ...
Uganda: Xafiiska Maqaabul Ogaadeen ee Qaranka Soomaaliyeed oo aqoon is weydaarsi la xidhiidha dhaqanka la yeeshay bulshada Kampala
- Aug 3, 2017
Xafiiska Maqaabul Ogaadeen ee qaranka Soomaaliyeed ku leeyahay Kampala, dalka Uganda ayaa xidhiidh ku ...
 Fashilaada Fiidmeertii bambooyinka Lagu Rakibay, Adeegsigii aadamigu U Adeegsaday Colaadaha. 
- Aug 1, 2017
 Fashilaada Fiidmeertii bambooyinka Lagu Rakibay, Adeegsigii aadamigu U Adeegsaday Colaadaha. Washington (Bpost)- Xilligii uu socday ...
War Murtiyeed ka soo baxay shir ay dhalinta Maqaabul Ogaadeen ee Qaranka Soomaaliyeed khadka ku yeesheen
- Aug 1, 2017
Buuhoodle Post---Dhalinta Beesha Maqaabul Ogaadeen ee Qaranka Soomaaliyeed ayaa war murtiyeed ka soo saaray ...
Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE