BuhodlePost.com logo

Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan Jubaland ka tirsan

Kismaayo, Soomaaliya —Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa Jimcaddii soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan Jubaland ka tirsan oo qoraa arrimaha gobalka kaga faallooda baraha bulshada ku tilmaamay wadani mudan in lagu abaalmariyo hawlihiisa shaqo.

“Hadaanahay masuuliyiinta Jubaland waa in aan ku abaalmarinaa dadaalkiisa wadaniyadda ku dheehan oo uu marwalba nala garabtaaganyahay Mudane Geljire,” ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Janagale.

Agaasimaha Xidhiidhka Dadweynaha iyo Isgaarsiinta ee Golaha Dhalinyarada Maqaabul masuul la shaqeeya oo codsaday in aan magaciisa la xusin ayaa hadalka Xildhibaan Maxamed Janagale ku sheegay mid, “Maskax-caafimaad qabta ka soo baxay”.

Cabdi Qawle waa nin ka mid ah mas’uuliyiinta Waaxda Socdaalka & Jinsiyadaha Dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Jubaland.

Agaasimaha ayaa yidhi, “Dadweynaha Maqaabul Ogaadeen ee qaranka Soomaaliyeed siyaabo badan ayay saameyn ugu lahaayeen Geeska Afrika waxa ayna ka mid yihiin bulshada ugu firfircoon, marka laga hadlayo arrimaha siyaasadda gobalka Jigjiga, Kismaayo ilaa Gaarisa.”

“Khalad siyaasadeed oo aad u weyn ayuu M/weyne Axmed Maxamed Islaam-ka Jubaland ka galay Maqaabul, taasna waa khaladaad dhanka Maqaabul ka yimid darteed,” ayuu yidhi masuulkan u hadlay Golaha Dhalinta Maqaabul, isaga oo wax sharraxaad ah ka bixin khaladka siyaasadeed waxa uu yahay.

Mar aan wax ka weydiinay shakhsiyaadka, iyaga oo magacii dadka Maqaabul kursiga ay ku fadhiyaan ama iska dhigaya in ay matalaan, kaliya dantooda gaarka ah ku hawlan ama kala xaajoonaya madaxda kale dan-gaar u ah ayaa waxa uu ku jawaabay:

“Nagu la qabiil ma ah qof muduci ku ah hab nolaleedkii laga soo gaadhay awoowayaashano,marna kama ogolaandoono in qaab shakhsi ahaaneed nalagu la dhaqmo annaga oo maqaabul ah, badalkii dadweyne ballaadhan oo dad iyo deegaanba leh.”

“Ma dooneyno in aan colaad u muujino cidna; haseyeeshe, kama tanaasuleyno xaqa aan u leenahay in ay dhalinteenu ku lahaadaan qeyb fursadaha shaqo iyo mixnadaha waxbarasho ee soo baxa, si la mid ah Soomaalida kale,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Gudiga Fulinta Dhalinta Maqaabul Ogaadeen ee qaranka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Talaadaddii xubnaha ka tirsan beesha in ay daacadnimada iyo u shaqeynta iskaa wax u qabso ah la garabtaagnaadaan dadkooda ku dhaqan Qubi, Doh iyo Doollo, Koonfurta Wajeer, Tuulooyinka iyo magaalooyinka W/Barri iyo dhammaan deegaanada Joorre oo ay ka mid yihiin magaalooyinka iyo Tuulooyinka kala ah Badhaadhe, Kulbiyow, Waraq, Bilis Qooqaani, Raas-Kambooni, Kismaayo, qurbaha iyo xeryaha Qaxootiyada dadka ku sugan, iwm.

Si kasta ba ha ahaatee, dhaqdhaqaaqa iyo kulamada ay yeelanayaan Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa loo arkaa in ay yihiin siyaabaha loo xoojin karo midnimada iyo soo afjaridda kala qeybsanaantii dadweynaha Maqaabul ee ku kala nool saddex dal oo Geeska Afrika ku yaal.

(Visited 36 times, 1 visits today)

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Maanta

Taariikhda Korneyl Muuse Biixi Cabdi
- Nov 21, 2017
https://www.youtube.com/watch?v=F3k42YIfJI4
SAVING THE UNITY OF SOMALIA: AN OPEN LETTER TO PRESIDENT FARMAJO October 9, 2017 By Osman Hassan
- Oct 19, 2017
SAVING THE UNITY OF SOMALIA: AN OPEN LETTER TO PRESIDENT FARMAJO October 9, 2017 By Osman ...
Somali people By handing ONLF officer Abdikarim Sheikh Muse to Ethiopia, the Somali government has betrayed its ownpeople.
- Sep 26, 2017
Somali people By handing ONLF officer Abdikarim Sheikh Muse to Ethiopia, the Somali government has ...
SŪRAH AL-KAHF: ARABIC TEXT – TRANSLATION AND MODERN COMMENTARY
- Sep 24, 2017
SŪRAH AL-KAHF: ARABIC TEXT - TRANSLATION AND MODERN COMMENTARY Imran N. Hosein   SurahKhafX
YUSUF GARAAD’S BIZARRE LETTER TO THE USA AMBASSADO
- Sep 9, 2017
YUSUF GARAAD’S BIZARRE LETTER TO THE USA AMBASSADOR September 4, 2017 By Osman Hassan “That was the ...
Masuul ka tirsan Golaha Dhalinta Maqaabul oo hanbalyo dhalasho farxad leh u diray lamaane gabadh ugu dhalatay dalka Uganda
- Aug 6, 2017
Kampala, Uganda —Masuul ka tirsan Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa Sabtidii hanbalyo dhalasho u diray ...
Caga-lule  wuxuu ku kacay waxa ka dambaysay oo si qayaxan u abaabulaysay maamul-goboleedka Puntland”Prof Cali khaliif.
- Aug 5, 2017
Caga-lule  wuxuu ku kacay waxa ka dambaysay oo si qayaxan u abaabulaysay maamul-goboleedka Puntland” By: ...
Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan Jubaland ka tirsan
- Aug 4, 2017
Kismaayo, Soomaaliya ---Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa Jimcaddii soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan ...
Xildhibaan Jubaland ka tirsan oo wadani u aqoonsaday qoraa ka faallooda arima gobalka
- Aug 4, 2017
Kismaayo, Soomaaliya(Buuhoodle Post)—  Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubaland ayaa galabnimadii Khamiista ku tilmaamay nin ...
Uganda: Xafiiska Maqaabul Ogaadeen ee Qaranka Soomaaliyeed oo aqoon is weydaarsi la xidhiidha dhaqanka la yeeshay bulshada Kampala
- Aug 3, 2017
Xafiiska Maqaabul Ogaadeen ee qaranka Soomaaliyeed ku leeyahay Kampala, dalka Uganda ayaa xidhiidh ku ...
Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE