BuhodlePost.com logo

Masuul ka tirsan Golaha Dhalinta Maqaabul oo hanbalyo dhalasho farxad leh u diray lamaane gabadh ugu dhalatay dalka Uganda

Kampala, Uganda —Masuul ka tirsan Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa Sabtidii hanbalyo dhalasho u diray lamaane gabadh ugu dhalatay Magaalada Kampala ee dalka Uganda.

“Xaaji Makaahiil C/Risisaaq Cabdullaahi iyo Marwadiisa Maryan Sandheere ayay gabadh ugu dhalatay Isbitaalka “Case hospital”, gabadhaas oo loo bixiyay Faadumo Cabdirisaaq Xaaji Makaahil,” ayuu ku yidhi qoraal uu soo dhigay barta uu baraha bulshada ku leeyahay Agaasimaha Xidhiidhka Dadweynaha iyo Isgaarsiinta ee Golaha Dhalinyarada Maqaabul Cabdirashiid Cabdullaahi.

Agaasimaha Xidhiidhka Dadweynaha iyo Isgaarsiinta oo sawir ay gabadha yar leedahay soo galiyay ayaa hadalkiisa ku daray: “Faadumo, Adeer soo barbaar oo noqo tii Diinteeda, dadkeeda iyo dalkeeda (DDD) anfacda. Aamiin, Aamiin, Aamiin!”

Iyaga oo ka jawaabaya farriintan hanbalyada ee uu soo dhigay Facebook ayay dadka kala ah Farxaan Qodax, Ilkacase Lehelow, Nimco dagan Cabdiraxmaan, Najma Nuura iyo Sokeeye Xuseen Cabdi u rajeeyeen in ay soo barbaarto gabadhan yar ee eedo iyo adeerka u yihiin ee ku soo biirtay Maqaabul, is la markaasna ugu duceeyeen in, “Alle ka dhigo tii dadkeeda, diinteeda iyo dalkeedaba anfacdo”. Anaguna waxa aan leenahay aamiin Alle ha aqbalo ducadiina.

Waxa uu hanbalyo middan la mid ah u diray Taliye Gaas oo wiil ugu dhashay magaalada Kismaayo dabayaaqadii bishii Luulyo.

“Axmed C/Laahi Ciise wiilka u dhashay ee magaciisa nalagu baray Ciise Gaas Axmed C/Laahi Ciise oo Kismaayo ku dhashay dhammaadkii bishii tagtay waa mid aan isugu hanbalyaynayno, is la markaasna si gaar ah aan ugu direyno hanbalyo waalidka wiilka dhalay,”

Sidoo kale, hanbalyo aroos ayuu u diray lamaane ku aqalgalay magaalada Kismaayo.

“Waxa aan sidoo kale, hanbalyo u direynaa Cabdisamad Xareed C/Laahi Ciise iyo Ayaan Cabdi Yare oo dhawaan ku aqalgalay magaalada Kismaayo,” ayuu hadalkiisa ku daray Cabdirashiid.

Iyada oo dhalashada iyo dhimashada labaduba tahay mid Rabbaani ah oo midna la la mashxarado, midna la la ilmooyo ayuu tacsi tiirsaanya leh u diray ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxeen Marxuumad Saxan Maxamed Khaliif oo magaalada Wardheer ee Gobalka Doollo ku geeriyootay iyo Marxuum Sheekh Xasan C/Laahi Guure oo isna Xerada Qaxootiga ee Ifo, Dhadhaab ku geeriyooday.

Waxa uu caafimaad deg-deg ah u rajeeyay Mudane Cabdirashiid Cabdi Daahir oo xanuunka Argagaxa (Panic attack) ku dhacay oo magaalada Sanca ee dalka Yemen ku sugan iyo sayid Cali Jaamac carab oo dhakhaatiirtu ku taliyeen in qalliin deg-deg ah loogu sameeyo mid ka mid ah Cusbitaalada Muqdisho.

Gudiga Fulinta Dhalinta Maqaabul Ogaadeen ee qaranka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Talaadaddii xubnaha ka tirsan beesha in ay daacadnimada iyo u shaqeynta iskaa wax u qabso ah la garabtaagnaadaan dadkooda ku dhaqan Qubi, Doh iyo Doollo, Koonfurta Wajeer, Tuulooyinka iyo magaalooyinka W/Barri iyo dhammaan deegaanada Joorre oo ay ka mid yihiin magaalooyinka iyo Tuulooyinka kala ah Badhaadhe, Kulbiyow, Waraq, Bilis Qooqaani, Raas-Kambooni, Kismaayo, qurbaha iyo xeryaha Qaxootiyada dadka ku sugan, iwm.

Si kasta ba ha ahaatee, dhaqdhaqaaqa iyo kulamada ay yeelanayaan Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa loo arkaa in ay yihiin
siyaabaha loo xoojin karo midnimada iyo soo afjaridda kala qeybsanaantii dadweynaha Maqaabul ee ku kala nool saddex dal oo Geeska Afrika ku yaal.

(Visited 10 times, 1 visits today)

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Maanta

Somali people By handing ONLF officer Abdikarim Sheikh Muse to Ethiopia, the Somali government has betrayed its ownpeople.
- Sep 26, 2017
Somali people By handing ONLF officer Abdikarim Sheikh Muse to Ethiopia, the Somali government has ...
SŪRAH AL-KAHF: ARABIC TEXT – TRANSLATION AND MODERN COMMENTARY
- Sep 24, 2017
SŪRAH AL-KAHF: ARABIC TEXT - TRANSLATION AND MODERN COMMENTARY Imran N. Hosein   SurahKhafX
YUSUF GARAAD’S BIZARRE LETTER TO THE USA AMBASSADO
- Sep 9, 2017
YUSUF GARAAD’S BIZARRE LETTER TO THE USA AMBASSADOR September 4, 2017 By Osman Hassan “That was the ...
Masuul ka tirsan Golaha Dhalinta Maqaabul oo hanbalyo dhalasho farxad leh u diray lamaane gabadh ugu dhalatay dalka Uganda
- Aug 6, 2017
Kampala, Uganda —Masuul ka tirsan Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa Sabtidii hanbalyo dhalasho u diray ...
Caga-lule  wuxuu ku kacay waxa ka dambaysay oo si qayaxan u abaabulaysay maamul-goboleedka Puntland”Prof Cali khaliif.
- Aug 5, 2017
Caga-lule  wuxuu ku kacay waxa ka dambaysay oo si qayaxan u abaabulaysay maamul-goboleedka Puntland” By: ...
Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan Jubaland ka tirsan
- Aug 4, 2017
Kismaayo, Soomaaliya ---Golaha Dhalinta Maqaabul ayaa Jimcaddii soo dhaweeyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan ...
Xildhibaan Jubaland ka tirsan oo wadani u aqoonsaday qoraa ka faallooda arima gobalka
- Aug 4, 2017
Kismaayo, Soomaaliya(Buuhoodle Post)—  Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubaland ayaa galabnimadii Khamiista ku tilmaamay nin ...
Uganda: Xafiiska Maqaabul Ogaadeen ee Qaranka Soomaaliyeed oo aqoon is weydaarsi la xidhiidha dhaqanka la yeeshay bulshada Kampala
- Aug 3, 2017
Xafiiska Maqaabul Ogaadeen ee qaranka Soomaaliyeed ku leeyahay Kampala, dalka Uganda ayaa xidhiidh ku ...
 Fashilaada Fiidmeertii bambooyinka Lagu Rakibay, Adeegsigii aadamigu U Adeegsaday Colaadaha. 
- Aug 1, 2017
 Fashilaada Fiidmeertii bambooyinka Lagu Rakibay, Adeegsigii aadamigu U Adeegsaday Colaadaha. Washington (Bpost)- Xilligii uu socday ...
War Murtiyeed ka soo baxay shir ay dhalinta Maqaabul Ogaadeen ee Qaranka Soomaaliyeed khadka ku yeesheen
- Aug 1, 2017
Buuhoodle Post---Dhalinta Beesha Maqaabul Ogaadeen ee Qaranka Soomaaliyeed ayaa war murtiyeed ka soo saaray ...
Optimization WordPress Plugins & Solutions by W3 EDGE